26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Shariif Xasan oo qirasho soo daahday ka bixiyey guusha Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay Doorashada Somalia iyo isbedelka muuqda ee ku imaaday dalka.

Hogaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in isbedelka dhacay uu ka dhalankaro horumar iyo in la helo nidaam Dowladeed oo raali galinkara Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in mar hore loo baahnaa in dalka uu ka dhaco isbedel, isagoo cadeeyay in maamulkiisa uu soo dhaweynaayo isbedelka bilowday.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu ka rajeynayo isku keenida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka hormar loo gaarsiin lahaa.

”Maamulka Koonfur Galbeed aad ayuu usoo dhaweynayaa isbedelka iyo Guusha Madaxweyne Farmaajo, waxaan ku baaqeynaa in Dowlada cusub ay ka mirro dhaliso ballanqaadkii ay kusoo fuushay kursiga”

Sidoo kale, Hogaamiye Shariif Xasan waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka waxa uu ka codsaday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan Madaxweyne Farmaajo.

Haddalka iyo soo dhaweynta Shariif Xasan ayaa kusoo beegmeysa xili Hogaamiyaha Puntland uu dhaliil ka muujiyay Guusha Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News