SHARIIF Xasan oo qiray in Amisom ay ku fashilantay qorshihii ay u joogtay dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inay fashilmeen ciidamada AMISOM.

Shariif Xasan, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay hana waayen amniga dalka gaar ahaan deegaanada maamulkiisa.

Waxa uu Shariif sheegay in ciidamada AMISOM ay isku furi la’yihiin xitaa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo oo go’an, waxa uuna cadeeyay in wadadaasi ay dhibaatooyin badan ka jiraan, AMISOM-na ay joojisay isticmaalka wadada.

Shariif Xasan waxa uu intaa raaciyay in wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay muhiim u tahay shacabka Koonfur Galbeed, hase yeeshee ciidamada AMISOM ay si rasmi ah ugu fashilmeen furista wadadaasi.

Sidoo kale, waxa uu Hoggaamiyaha ugu baaqay dowladda federaalka iney ka shaqeyso furista iyo nabadeynta wadadaasi, waxa uuna ku celcelshay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo.

Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer AMISOM la faray inay furto wadada hase yeeshee aysan ka bixin wax jawaab ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com