Baydhabo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Barre oo ku magac dheer Macalin Barre wuxuu ahaa Wasiirka Diinta & Awqaafta Koonfur Galbeed waxaana xilkiisa looga qaaday kulan uu hor kacayey Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed oo ay maalmihii ugu dambeeyey ku kacsanayeen xildhibaano ka tirsan maamulka kuwaas oo ka dhawaajiyey inay xilka ka qaadi doonaan.
Waraaqda xilka looga qaaday wasiirkaan ayaa waxaa laga soo saaray kulan ay maanta magaalada Baydhabo ku qaataan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Golihiisa Wasiirada .
Xeerkan madaxweyne ee kulankaas kasoo baxay ayaa waxaa saxaafadda u aqriyey Wasiirka Beeraha & Waraabka Koonfur Galbeed, Maxamed Xasan Fiqi , wasiirka ayaana sheegay in qofka ka tirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed uu xilka ku waayi karo, qoraal afka ah, isagoo qoraal keena iyo isagoo Warbaahinta ka sheega in xilkaasi uu iska casilay.
Wasiirka beeraha ayaa saxaafadda u sheegay sidaan: “ Shaqsiga ka tirsan Golaha wasiirada wuxuu xilkiisa ku weyn karaa haddii uu saxaafadda hadalo aan fiicneyn ka sheego iyo haddii uu waraaq is casilaad ah soo gudbiyo, haddaba wasiirkaan waxaa qabtay qodobka ah inuu idaacadaha ka sheegay hadalo aan fiicneyn, sidaasna ay golaha wasiirada isugu raaceen in xilka laga qaado Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Macalin Barre”
Hadalka lagu heysto wasiirkaan oo uu xilkiisa ku waay ayaa ah inuu ka dhawaajiyey dhawaan inuu kamid yahay xildhibaanada doonayey inay xilka ka qaadaan Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah madaxweynaha Kuunfur galbeed wuxuuna sidoo kale wasiirkaan ka tirsan yahay xildhibaanada maaamulkaas.
Dhawaan ayey aheyd markii wasiirkaan uu idaacadaha u sheegay inay mooshinkaas soo gudbin doonaan kulanka ugu horreeyo oo ay yeeshaan baarlamaanka Koonfur Galbeed balse taas ka hor xilkiisa ayuu waayey.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com