Maxay tahay sababta ka dambeyso in caawa si weyn loo adkeeyo amaanka Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa si weyn loo adkeeyey jidadka soo galo madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu habeenkii ugu horreeyey isagoo madaxweyne ah ku hoyanayo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa jidadka soo galo madaxtooyada lasoo dhigay ciidamo isugu jiro Boolis iyo nabadsugid waxaana si weyn oo taxadar leh loo baarayaa gawaariga shacabka iyo kuwa sida qaaska ah loo leeyahay ee halkaas isticmaalayo.

Dadka saaran baabuurta ayaa laga soo dajinayaa waxayna dhammaatood marayaan baaritaan shaqsi shaqsi ah sidoo kalana baabuurta yar yar ayaa  si fiican loo barayaa iyadoo la hubinayo waxa saaran.

Waxaa jidadkaas loo diidayaa inay maraan darawada baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay ee aan wadan wax aqoonsi ah waxaana lagu celinayey halkii ay markii hore ka imaadeen .

Meelaha sidoo kale ciidamadaan lagu arkayo caawa waxaa kamid ah isgoska nambar afar, Dabka, Sayidka iyo Shaqaalaha.

Arrintaan ayaa timaaday markii maanta intii ay socotay xafladii sagootinta madaafiic lagu weeraray Xarunta madaxtooyada inkastoo aysan ku dhicin gudaha xarunta haddana waxaa ku dhintay dad shacab ah oo ay ku jireen wiil iyo gabar isla dhashay kuwaas oo uu madfac ugu yimid gurigooda oo ku yaal degmada Warta nabadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com