Ilmo Xaaji Nuur (Sheeko ka tarjumeysa Soomaalida iyo qabyaaladda)

By Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa jiri jiray nin oday ahaa oo la dhihi jiray Xaaji Nuur wuxuu illaah ku maneestay hanti iyo caruur badan. Wuxuu qabay afar xaas ah illaahna wuxuu ka siiyay tiiba 10 caruur ah lkn illaah wuxuu ku imtixaanay bakhiilnimo mana jecleyn in hantidiisa laga dareemo qoyskiisa. Wuxuu lahaay boqolaal aqal oo wada filo ah iyo beero aseendooyin ah baabuurtiisa iyo bakhaarada uu lahaa waa ay fara badnaayeen haddana caruurtiisa waxay ahaayee baryo ku nool gurina waxay ka degnaayeen carshaan. Dadka la degnaa Xaaji Nuur magaalka uu ku noolaa waxay caruurtiisa ku kala aqoonsan jireen bahda uu yahay ayagoo dhihi jiray haddi ay la kulmaan mid ka mid ah caruurta Xaaji Nuur bah maad tahay iyo hooyadaa waa tee caruurtana waxay ku jawaabi jiren ina heblaayo ayaan ahay. Xaasaska Xaaji Nuur waxaa la kala dhihi jiray Faadumo, Khadiijo, Xaliimo iyo Maryan waxayna kula horeeyeen sida ay magacyadooda u kala horeeyaan.

Xaaji Nuur waxaa u timd tii alle wuuna geeriyooday waxaana cidda si xoog leh hogaanka u qabtay curadka ama wiilka ugu weyn reer Xaaji Nuur ahaana bah Faadumo oo aheed xaaskii ugu horeesay ee xaajiga. Curadka reer xaaji wuxuu bilaabay in uu ku tasarufo hantidii dhaxalka ee la wada lahaay waxaa uu iibiyay guryo badan asaga oon la tashan qoyska intiisa kale, waxa keliya uu u qabtay reer xaaji waxay aheyd asag oo u dhisay guryo dhagax ka sameesan oo sar ah balse aan gaareeyn lana mid aheyn mid ka mid ah guryaha filooyinka ah uu iskiis u iibiyay. Reer Xaaji Nuur waxay bilaabeen in ay ku farxaan waxqabadka walaalkood ka weyn waxayna ku hadaaqayeen walaalkeen ayaa ka fiican aabaheen oo wuxuu noo dhisay guryo sar ah. Waxaa fahmay filimka curadka reer xaaji curadyadii bahaha kale waxayna ka codsadeen in uu wax ka siiyo xoolahaan uu keligii iska maamusho cid kalena uma aysan doodeen aan ka aheyn naftooda inay wax u helaan curadkii reer Xaaji ee ahaana bah faadumo waa uu diiday talada walaalihii ee ahaa curadyada bahaha kale wuxuuna yiri cid aan aniga aheyn ma maamuli doonto xoolahaan. Halkaas waxaa ka bilaabatay in curad waliba uu ku laabtay bahdiisa asag oo leh wa nala dhacayaa ee kaca aan wax iska celino sidaas oo kale ayuu sameeyay curadkii reerka wuxuuna bahdiisa oo ku heesatay in yar oo ah in uu u gado dhar ciid ayuu u sheegay in haddii aysan iska dhicin bahaha kale ay weyn doonaan dharka ciidda uu u gado.

Waxaa bilaawday dagal ka dhex qarxay walaalihii reer Xaaji Nuur ayagoo isu leynaya bah bah mana jirin bah bah kale talo wadaag la aheyd waxaana halkaas lagu dilay walaalkii weynaaa ee ka taliyay dhibaatadan wayna kala irdhoobeen reer Xaaji Nuur waxaana taas ka faa,iideestay deriskooda oo gacanta ku haayay hantida aabahood una arkayay dagaalka dhexdoodada ah mid ayaga dan u ah. In muddo ah ka dib waxaa isu yimid reer xaaji oo ku heshiiyay in hantida cidda uu maamulo sandkiiba curad ka mid ah curadyada bahahah reer Xaaji Nuur waxaana loo igmaday in uu maamulo sanadka ugu horeya curadka labaad ee reerka ahna bah Khadiijo. Curadka bah khadiijo wuxuu asagana halkiisa ka sii waday boobka iyo dhaca hantida reerka oo xata ma uusan sameyn wuxuu sameeyay curadkii dhintay e ahaan in uu reerka u dhiso aqalo wanaagsan maadaama kuwoodii hore ay ayaga gacmahooda ku burburiyeen. Waxa kaliya uu sameeyay waxay aheyd in da,da ku xigtay ee ay hooyadii dhashay in uu ka dhigay odayga bahdaas uuna biil yar u saaray meel si uu u difaaco.

Waxaa dhamaatay mudadaii sandka aheyd sidii lagu heshiiyay wuxuu xilka ku wareejiyay curadka bah Xaliimo oo aheyd xaaskii sedexaad ee xaajiga markuu xilka wareejiyayna waxaa bilaabatay in la eedeeyo curadkii bah Khadiijo laguna eedeeyo dhaca xoolohii reerka lkn waalihii ku bah ahaa uu horkacayo da,dii ku xigtay ayaa ku dooday taasi inay tahay dulmi la dulminaayo bahdooda lana joojiyo daacayada waxayna dhinacooda tilmaameen in tuugga ugu weyn reerka uu ahaa curadkii la dilay. Hadalkaas waxaa ka xanaaqay bahdii weyneed ee ilmo Faadumo waxayna dhinacooda sheegeen in curadkooda uu ahaay halyeey weyn oo waxqabadkiisa uu ka mid ahaa dhisidii guryaha reerka. Intaas ka dib waxaa xilka qabtay curadka bah Xaliimo asagan wuxuu qaaday wadadii walaalhii wax uun buu dhacay cidna wax uma qaban mudadii markay dhamaatay xilka waxaa lagu wareejiyay curadka bahda ugu yar ee bah Maryan, sidii uun bay walaalihi reer Xaaji u eedeeyeen walaalkood xilka haayay waxaana uun sidii u difaacay walaalihi ku bahda ahaa. Curadkii bah Maryan asagana lama mahdin walaalhii reer Xaaji ayagana isma bedelin lkn waxaa soo baxay wiil ka mid ah reer xaaji oo ahaa isla bahda curadka xilka haaya ee bah Maryan wuxuuna isugu yeeray dhamaan reer xaaji wiilal iyo gabdho hooyooyinkii wuxuuna u jeediyay hadal qiimo iuyo xikmad lahaa wuxuuna ku yiri:

  • Walaalayaal iyo hooyooyin siduu aabaheen u dhintay xaalkena ma hagaagin intuu noolaayna ma wacneen weligeen waxaan aheyn kala bah isumana aanan arak in aan nahay ilmo Xaaji Nuur ee waxaa ku faanenay in aan nahay bah hebel, wuxuu hanti illaah na siiyay waan ka aradney marna aabe ayaa bakhiil ahaa oo aan na barin in aan xoolaheena anaga maamulano kuna noolaano. Geeridii aabe dabadii walaalaha maamulka noo qabtay waxay wada ahaayeen daneestayaal tuugo ah ( markuu halkaas marayoayaa waxaa bilaawday guux ah haa waa runtiis tuugo way ahaayeen lkn walaalkeen muu aheeyn tuug ayada uu qof waliba dahirayo walaalkii ku bah ahaa asagoo hadalka sii watao ayuu ku yiri) aamusa wax ma ogidiinee walaalha na maamulay ilmo Xaaji Nuur ayay ahaayeen waxay ay kala qeybsheen oo ay dhaceen xoolahoodiina waa ilmo Xaaji Nuur anagana inta fadhinana waxaynu nahay isla ilmahaa uu xaajiga dhalay. Haduu walaalkeenii noogu weynaa uu noo dhisay guryo dhagxaan leh waxaa ka badneed intuu naga dhacay mid walib oo naga mid ayaa xaq u lahaay hal guri ama ka badan oo filo ah lkn waxaan la ashqaraarnay guri dhagax ah uu wada dhisan kuligeen.
  • Hadii uu walaaka kugu bahda ihi biil yar uu meel kuu saaray ama uu dhar yar oo ciid ah uu kuu gaday wuxuu qadinaayay walaalhaaga kale ee reer Xaaji Nuur waxa uu ku siiyay ka badan ayaadna xaq u leheed walaalahaaga kalena xaq u lahaayeen. Hadda iyo dan aan kala doorano in uu maalin walba mid tuug ah uu xoolaheena dhaco uuna noo kala saaro baho kala duwan ama aan noqono reer Xaaji Nuur oo aan u doorano xilka midka aan u arakno in uu ku haboon yahay anaga oo ogaaneena in caruurteena iskuulada aada ee ay hooyooyinkeena ka dhiibaan qarashka ay xaq u leeyihiin inay heelaan iskuulo laga bixinayo xoolaha la wada leeyahay ee reer Xaaji Nuur kuwa jaamacaha dhigtana waa sidoo kale . Hooyooyinkeenana waa in ay nastaan maadaam inta ay noolaayeen ay ku jireen xamaali oo ay ka aradnaayeen xoolaha odaygooda iyo kuwii ay ayaga iyo caruutooda xaqa u yeesheen geerida aabe ka dib, walaalaha reraha leh e hadana ah odayaasha bahaha ayaga waxay xaq u leeyihiin mushahar lkn waa in ay ka shaqeeyaan is jecleesiinta walaalha reer Xaaji Nuur kuwa dhalinta yar ee aan wax baraneenina waxay xaq u leeyihiin inay ka shaqeeyaan xoolaha aabahood aysan shaqo u raadsan meel kale. Mid ogaada hadaynu sii ahaano baho kala duwan sidii baan uun u rafaadsanaaneenaa oo hooyooyinkeena aysan u nasaneen anaga u dawarsaneenaa deriska ayadoo deriska ay ka faa,iideesanaayaan xoolaheen lkn taa bedelkeed hadaan noqono reer Xaaaji Nuur oo aan wada maamulano xoolaheena anaga ayaa noola soo shaqo doonanayaa.-

Markuu hadlka dhameeyay ayaa waxaa sacab is qabsaday qolkii kululaa ay ku shirayeen waa ayna soo dhoweeyeen isla markaana waxay iksu raaceen in uu asaga noqodo qofka xilka qabanaayo asagan wuu ka aqbalay. Markuu xilka qabtay wuxuu bilaabay in uu la taliyaal ka dhigto bah waliba kuu uu is lahaa waa ugu karti badan yahay wuxuuna bilaabay in hantidii dhaxalka ahaa ee la wada lahaa uu si cadaalad u maamulo waa ayna rumowday arinta uu sheegay oo saf ayaa loo soo galay sidii loogaga shaqeen lahaa xoolahooda ayagana waxay noqdeen mid nabadda ka talsha , mid hantida maamula, mid ilaaliya, kuwa wax barta iyo hooyooyinkii oo bilaabay inay ka nastaan xamaaligii. Haddii mid ka mid ah caruurta la weydiiyo ina aayo ayaa tahay wuxuu bilaabay inuu ku jawaabo ina Xaaji Nuur asag oo ku faanaya hadii la yiraahdo bahdee ayaad tahayna wuxuu dhihi jiray haddii aadan aqoon Xaaji Nuur oo aabahey ah maxaa ku baray hooyadey.

FG: Sheekadaan maahan mid dhab ah waa mid aan aniga hal abuuray haduu magaca uu waafaqo qof qoyskiisana uu sidaan oo kale yahaymaahan wax aan u qasday waa mid aan umadda wax ku tusaayaay oo klaiya. Wixi khalad ee ku jira qoraalka aniga keligeey ayaa ka mas,uul ah lkn maahan khalad aan u kasay.

WQ: Xasan Yuusuf Cali (Xasan Wadaad)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid