Fallanqeyn: Salaamullah Calaa Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hajjaj Bin Yusuf Al Thaqafi, waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa keligii taliye naxariis daran oo xukun adag, waxaa lagu qiyaasaa inuu dilay 100 000 ilaa 125 000 oo muslimiin ah, oo ay ku jiraan rag waaweyn, iyadoo Culimada qaarkood ay aaminsanaayeen in Hijjaj yahay salid ilaahay u soo diray.

Markii Hijjaj dhintay dadkii way ku farxeen oo waxay filayeen in waacusubi u beryayo, laakiin waxay yaabeen markii qoladii xukunka kala wareegtay ay yidhaahdeen maydka Hijjaj lama leexleexinayo, gurigii iyo Masaajidii uu ku soo beegmana waa la duminayaa cidii doonta ha la haatee, taasoo keentay in dadkii yidhaahdaan kelmad caan noqotay “SALAMULLAH CALAA HAJJAJ” taas oo ay ku muujinayaan in Xajjaj uu ka fiicnaa qolada cusub.

Taariikhdu way soo noqnoqotaa arintan oo kale waxay ka dhacday Soomaaliya, Ciraaq iyo Liibiya oo markii Madaxweyneyaashii keligii taliska ahaa laga tuuray ka sii daray.

Dhanka Somaliland maalinta Madaxweyne Siilaanyo la doortay waxaa sida ROOB LA DHACDA la soo dhacay wiil la yiraahdo Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu la wareegay Awoodii dalka oo dhan, afkiisu wuxuu noqday sharcigii, jawaabtiisii waxay noqotay HAA, MAYA, Cidii la murantana waxaa u halhays noqotay SANKIISA AYAAN CAANO KAGA KEENAYAA.

XIRSI WAXAA LOO TIRINAYAA INUU KA DAMBEEYEY XASUUQII KALSHAALE OO DHULBOOB IYO AARGOOSI QABIIL SALKA KU HAYA.

Maalintii Xirsi is casilay shacabka Somaliland badankoodu waa farxeen, waxayna filanayeen in isbedel Xirsi ka fiicani uu imanayo, laakiin maanta halka xaaladu marayso waxaa muuqata inay taagan yihiin “SALAMULLAH CALAA XIRSI CALI XASAN”.

Shacabka Somaliland waxay dareemayaan in Xirsi Cali Xaaji Xasan uu ahaa nabad iyo caano marka la barbar dhigo Maxamuud Xaashi.

Xirsi wuxuu caan ku ahaa run iyo waxqabad wada socda, dadku waxay aaminsan yihiin in haddii uu maanta joogo Dekada iyo Saldhiga Berbera si fiican loo maamuli lahaa oo aanay dhacdeen falalkii shalay ka dhacay Kulankii Goleyaasha Somaliland, oo la sheegayo in heshiis aan jirin si aan sharciga waafaqsanayn looga ansixiyey.

Dhanka Degaamada SSC dadka maamul Xumada Maxamuud Xaashi ku dhintay waxay cagacageynayaan kuwii Kalshaale, balan furyadu waxay noqotay caado, Magacaabista Xubnaha aan degaanka kalsoonida ka haysan ama dhibaya, waxaa loo arkaa inuu ku istareexo iyo iska horkeen, dadbadan oo reer SSC ayaa qaba in (MAGACAABISTII YAASIIN FARATOON LOO MAGACAABAY WASIIR ARIMAHA GUDAHA AY KA WAXYEELO BADAN TAHAY DAGAALKII KALSHAALE), Magaalada Laascaanood duhurkii ayaa dhexdeeda laga baqaa, toogashooyinkii ugu dambeeyeyna waxay dhaceen maalin cad, raga waaweyni hareerahooda ay eegayaan markay suuqa marayaan, xitaa xaafadaha qaarkood waa lagu kala qaxay, dad dirayskii sita ayaa xafiisyadii Dawlada dumarkii jidh dil ugu geysanaya oo aan waxba laga qabanayn.

Isku soo wada duuboo Reer Somaliland daraf ilaa daraf waxay taagan yihiin SALAMULLAH CALAA XIRSI CALI XASAN.

W/Q: Maxamed OW

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid