Shariif Xasan oo shaaca ka qaaday waxa dhacaya marka la gaaro 8-da Febraayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed laba jeerna soo nooqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada lagu mursan yahay isagoo Xalay ka qeyb galayey kulan su’aalo lagu waydiinayey.

Waxa uu soo jeediyay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madax Goboleedyada & musharixiinta ay kawada xaajoodaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada & ka gudubka caqabadaha taagan.

Shariifka ayaa sheegay in waqti ahaan laga durqi karo muddo xileedka Dowladda oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waa marka lagu heshiiyo sida wax lo wadayo, diyaargarowga & qorsheynta howsha lagu wajahayo Doorashada kahor muddo xileedka Madaxtooyada.

Waxa uu ka digay in muddo xileedka Madaxtooyada uu dhammaado iyada oo la isku hor fadhiyo sida la isu diidan yahay oo aan heshiiska lagu ahayn hab maamulka doorashada qorsheynta & dhammeystirka nidaamka Geedi socodka (Kala guurka).

“Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya & Madaxweynihii DG Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay in dalka dhibaato loo horseedo iyada oo la heli karo xal wanaagsan oo isla ogol & wax wada qabsi lagu waji karo sida uu hadalka u dhigay.

Muddo xileedka Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waxaa ka dhimman 19-Cishe oo keliya, mana saldhigna Doorashada oo waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 2020 in la bilaabo laga soo dib dhacay, iyada weli aan xal la gaarin.

Midowga Musharixiinta ayaa dhawaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in ka hor 8 February laga heshiiyo doorashada ka dhaceyso Soomaaliya, balse waxaa muuqato in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iska dhaga tirayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland.