Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu aad usoo dhaweynaayo shirka dhawaan ka furmi doona magaalada London.
Shariif Xasan ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid Soomaalida loogu muujinaayo kalsooni, waxa uuna cadeeyay in Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay adeecida Dowlada Federaalka Somalia.
Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed aysan wadan ajende ka duwan kan Dowlada, isagoo intaa raaciyay inay ka faa’iideysan doonaan go’aanka kasoo bixi doona shirka.
”Koonfur Galbeed waxa ay ku mowqif tahay dowlada Federaalka, waxaan shirka uga danbeyn doonaa dowlada”
Waxa uu intaa raaciyay ”Waxaa nala wanaagsan inaan noqono kuwo isku xiran oo ka dhabeeya hadafka Qaranimo iyo kalsooniduba”
Shariif Xasan ayaa sidoo kale Hogaamiyayaasha kale ugu baaqay inay ku feelaan Dowlada Federaalka oo shirka looga danbeeyo Madxaweynaha oo qeyb ka noqon doona shirka.
Haddalka Shariif Xasan ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Britain ay magaalada London shir weyne ugu qabaneyso Soomaalida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]