Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa maanta ka dhacaya xaflad lagu caleemo saarayo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo bishii lasoo dhaafay lagu doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Shariif Xasan, ayaa maanta sameynaya arin aan horay u dhicin, maadaama xaflada caleemo saarka ay ka qeyb galayaan masuuliyiin kala duwan oo ka socota besha caalamka, masuliyiin ka socota maamul goboleedyada ka dhisan dalka iyo madaxda dowlada.
Sidoo kale waxaa la qorsheynayaa in loo sameeyo afar xafladood oo caleemo saar ah, maadaama madaxda ka qeyb galayso ay yihiin kuwo badan, taasi oo noqoneyso arin aan wali dalka ka dhicin.
Arintaasi ayaa muujineyso maqaamkiisa siyaasadeed, waxaana lagu xasuustaa doorashadiisa oo dhacday xilli madaxda dowlada ay isku mashquulsanaayeen, waxaa sidoo kale meesha ka baxay hadalkii madaxda dowlada ee ku aadanaa inaysan aqoonsan doonin waxaa kasoo baxa shirkii lagu doortay Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Shariif Xasan, ayaa magaalada Muqdisho yimid kadib doorashadiisa, wuxuuna wax badan ka badalay buuqii baarlamaanka, wuxuuna ku laabtay magaalada Baydhabo iyadoo wiilkiisa uu yahay xildhibaan baarlamaanka ka tirsan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]