25.8 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Xasan iyo Kooxda badbaado qaran oo is hor fadhiistay (Maxay ka hadleen?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Xubno ka tirsanaa garabkiisa, ayaa waxa ay kulan albaabadu u xirnaa Villa Somalia kula yeesheen qaar ka tirsan Xildhibaanadii la magac baxay ”Badbaado Qaran”.

Kulanka ayaa ahaa mid Wakhti badan qaatay si dhab ahna looma oga wax yaabaha kulankaasi looga hadlay, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Kooxda Badbaado Qaran uu Madaxweyne Xasan weydiisanayey inay ku biiraan mooshinka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kooxdan u sheegay inay yar tahay rajada laga qabo in ra’iisul wasaaraha uu ka bad baado codka kalsoonida ayna muhiim tahay inay taageeraan mooshinka.

Si kastaba kooxdan ayaa iyagana madaxweynaha u sheegay inay muhiim tahay inuu ka tanaasulo mooshinkaa uu gadaal ka riixayo, oo ay xalin karaan khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa weli ku adkeysanaya in Ra’isul wasaaraha is casilo, ka dib markii uu diiday talooyin iyo xal ay u geeyeen siyaasiyiin, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin horay xilal u soo qabtay.

Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Xildhibaanada BF Somalia oo beel walba uu si gaar ah u qaabilayay, isagoo kala hadlayay sidii R/W C/weli loo ridi lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News