25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Shariif Xasan oo xildhibaanada kasoo horjeeda ku ugaarsanaya degmada Afgooye

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa ay gaaren Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada gaaray Degmada Afgooye ayaa la sheegay inay baadi-goob ugu jiraan tirro Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka oo halkaa ku abaabulaaya Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Xildhibaanada Mooshinka abaabulaaya ayaa tiradooda lagu sheegay 27 Xildhibaan oo qaarkood laga mamnuucay inay galaan magaalada Baydhabo, halka qaarna ay ka baxeen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay garab ka helayaan mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia, oo iyagu gadaal ka riixaaya Mooshinka lagu ridaayo Shariif Xasan.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa lagu amray inay gacanta kusoo dhigaan Xildhibaanada Mooshinka ku diyaarinaaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Geesta kale, Ciidamadan ayaa garab ka helaaya Saraakiil ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News