28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Shariif: “Xasan Sheekh waxaan u sheegayaa in madaxweynaha cusub aan anigu ahay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalka Somalia uu u baahan yahay in la badbaadiyo.

Sheekh Shariif waxa uu tilmaamay in Somalia ay xiligaani tahay mid u baahan isbedel muuqda si buu yiri dalka loogu soo dabaalo amni, xasilooni iyo kala danbeyn.

Sheekh Shariif oo u waramaayay Warbaahinta dalka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fashilmay Amniga iyo Xasiloonidii laga filaayay Dowladiisa.

Waxa uu sheegay in ujeedka loo dib dhigaayo Doorashada dalka ay tahay in wakhtiga laga lumiyo Musharaxiinta, hayeeshee waxa uu meesha ka saaray in Musharaxiintu ay yihiin kuwo ay saameyn ku yeelankarto dib u dhacyada lagu sameynaayo Doorashada.

Sheekh Shariif waxa uu soo hadalqaaday cida Madaxweynaha ka noqon doonta Somalia, waxa uuna cadeeyay in isaga uu noqon doono Madaxweynaha cusub balse Xasan Sheekh uu bixinaayo dhaqaale aan la ogeyn halka ay ku socdaan.

Isagoo arrinkaasi ka hadlaayay ayuu yiri ”Rajada aan Madaxweyne ka qabo waa 100% Xasan Sheekh waxa uu bixinayaa lacagta balse waxaan u sheegayaa in Madaxweynaha cusub ee imaan doona aan anigu ahaan doono”

Sheekh Shariif waxa uu farta ku goday inaanu jirin sabab uu kusoo laabto Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uuna haddalkaasi sabab uga dhigay in mudadii uu xilka hayay uusan qaban wax horumar ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Sheekh Shariif waxa uu Musharaxiinta ugu baaqay inaysan ka laaban rajadooda ku aadan inay isbedel ay ku keenaan Xaalada ka taagan dalka.

Haddalka Sheekh Shariif oo dhinacyo badan taabanaaya ayaa waxa uu ku saleeyay xaalada Amni, Doorasho iyo Caqabadaha ay sheeganeyso Dowlada uu wakhtigeedu dhamaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News