Addis-Ababa (Caasimada Online) – Warbixin ay diyaarisay hay’adda daraasaadka siyaasadeed sameysa ee CDRC (Center for Dialogue, Research and Cooperation) ee fadhigeedu yahay magaalada Addis-Ababa ayaa macluumaad iyo xog xiiso badan ka bixisay loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo ololaha doorashada madaxweyne.
Hay’adda CDRC ayaa waxaa la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia.
Hay’addan oo guddigeeda agaasinka uu ku jiro wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin ayaa sheegtay in la sameeyey isku day is-baheysi loogu dhex abuurayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Sharmaarke.
Hindisahan ayaa waxaa looga gol lahaa, sida warbixinta lagu sheegay, in labada nin ay wada shaqeeyaan, si isku mid ah ololaha doorashada u glaan, ayaga oo tiirsanaya hadaf kaliya oo ah inay dalka sii maamulaan, loona xaqiijiyo sii wadista dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya iyo nabadda.
Nasiib darro qorshahan ayaa waxaa diiday Cumar Cabdirashiid, sida ay hay’addu leedahay, wuxuuna ku adkeystay inuu galo tartanka madaxweynaha si uu nasiibkiisa u tijaabiyo, inkasta oo ay jirto caqabadaha dhowrka ah ee uu wajahayo.
Dadaal noocan oo kale ah ayaa sidoo kale laga dhex sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayada oo Shariifka loo ballan qaaday heshiis awood qeybsi oo lagu qanci karo. Basle nasiib darro, ayey tiri warbixinta, waxaa sidoo kale qorshahan diiday Shariif Xasan.
Warbixinta ayaa waxa ay leedahay in maadaama hadda Jawaari loo doortay afhyeenka baarlamanka Soomaaliya, Shariif Xasan ayaa u muquda inuu is-dhaafiyey fursad uu ku nooqon karay qofka talada siyaasadda ee Soomaaliya ay si dadban uga go’do.
Warbixinta ma sheegin cidda sameysay dadaalladan, waxaase loo qaadan karaa dowladda Ethiopia.
Warbixinta ayaa sheegtay in ayada oo la eegayo dhammaan arrimahan ay tahay dalalka deriska ah inaysan eegin kaliya danta shaqsiyeed balse dadaalladooda ay isku xiraan si loo xaqiijiyo in hanaanka doorasho ee Soomaaliya uu si wanaagsna usoo geba geboobo.
FG: Xogtan ayaa ka mid ah warbixin dheer oo arrimaha Soomaaliya ay hay’addan ka diyaarisay, waxaana ka mid ah beesha ay tahay in madaxweyne cusub ee Soomaaliya uu ka yimaado iyo xiriirka Xasan Sheekh iyo Faarax Cabdulqaadir, waana idiin soo gudbin doonaa Insha Allah, qeyb qeyb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]



