Shaxdii Kenya – Shirqoolka Ethiopia & shaf garaaca Uganda (Khilaaf waa kow)

Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa dagaalkiisa Siyaasadeed dhiirigelin ku siiyay Ra’iisul Wasaare Cabdi wali Axmed.

Kaadiriinta Damujadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheekh xaaladu waa ku adag tahay oo xaalka sideey moodeen maaha.

Ciyaartooy ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarahii hore ee Somalia Saacid Shirdoon, Masrax Maxamed Siyaad, Cabdiwali Gaas iyo Maxamed Saciid Xersi Morgan ayaa safka hore uga jira ciyaarta cusub ee loogu magacdaray Kick out the Game.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali si sahlan kuma qaadan go’aanka , wuxuuna sedex maalmood deganaa duleedka Nairobi, oo shir qabyaaladeed uu ku qabanayey.

Saraakiisha Nabadsugida Kenya iyo Ethiopia ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sameeyay shaxdiisa cusub ee isku shaandheeynta golaha Wasiiradda.

Ethiopia iyo kenya waxay dhegta ugu shubeen inay meelmarinayaan go’aankasta oo ka soo baxa xagiisa, si meesha looga saaro xulufada Damujadiid iyo Saaxiibadooda siyaasadeed, hase yeeshee Dowladaha Uganda iyo DJibouti ayaa dadaal xoogan ugu jira sideey ku fashilin lahaayeen qorshaha cusub ee Ethiopia iyo kenya kula safteen Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

Saraakiisha Ciidamadda Uganda ee jooga gudaha Somalia waxay habeenimadii xalay sii muujiyeen sideey uga soo horjeedaan qorshaha cusub ee Ra’iisul Wasaaraha, waxayna taasi dhiirigelin u noqotay Madaxweyne Xasan oo laalay isku shaandheeynta uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Villa Somalia.

Uganda waa Dowlad miisaan culus ku leh Siyaasadda iyo gaashaandhiga dalalka ku yaal Geeska Afrika.

Ethiopia iyo Uganda waxaa u dhaxeeysa colaad siyaasadeed taas oo ka dhalatay arrimaha South Sudan iyo Somalia, laakiin Dowladaha reer Galbeedka waxay arrimaha Somalia kala macaamilayaan Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, maadama uu yahay hogaamiye ku xeeldheer farsamooyinka loo maro dalalka colaadaha ragaadiyeen sida Ruwanda, Congo, Somalia iyo Sudan.

Xaaladda Villa Somalia Sida muuqata khilaaf waa koow, wuxuu dagaalka cusub yeelan karaa wejiyo halis badan sida inuu galaafto Madaxweyne Xasan ama Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ku adkeeysanayaa inuusan sinaba ugama laaban doonin isku shaandheeyntiisa golaha Wasiiradda, halka Madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa Damujadiidna ay ku hanjabeen iney soo afjarayaan dhaqdhaqaaqyada Cabdiwali Sheekh Axmed, ka hor dhamaadka bisha November.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu taageero weyn ka heystaa beesha uu ka dhashay ee Daarood gaar ahaan Mareexaan, Ogaden, Dhulbahante iyo Majeerteen, hase yeeshee Madaxweyne Xasan wuxuu kalsooni ka heystaa xulufadiisa Damujadiid.

Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh wuxuu lumiyay kalsoonida beesha uu ka dhashay ee Hawiye %86 kadib markii uu ansixiyay qodobo ay Xeeldheerayaasha Hawiye ku tilmaameen ducfi iyo doqonimo.

Waxyaabaha uu Xasan Sheekh ku waayay taageerada beeshiisa waxaa ugu weyn:-

1- Heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa ee goboladda Jubooyinka loogu saxiixay Axmed Madoobe taas oo ka dhigan inuu xaqiray awood qeybsiga beesha Hawiye ee goboladaas.

2- Heshiiskii uu saxiixay ee gobolka Shabeeladda Hoose loogu xalaaleeyay Maamul ka dhisan Baydhabo , taas oo beelweynta Hawiye la yaab ku noqotay.

3- Heshiiskii uu taageeray ee Ra’iisul Wasaare Cabdiwali la saxiixday Puntland, kaas oo dhigaya inaysan Waqooyiga Mudug ka mid noqon doonin maamulka gobolada dhexe.

4- Madaxweynaha oo aqbalay in dhaqaalaha gobolka Banaadir loo siiyo mushaar shaqaalaha Dowladda , iyadoo dhinaca kalena uu aqbalay in Xabsiga loo taxaabo dhamaan Siyaasiyiinta beesha Hawiye, ganacsatada iyo Wariyeyaasha madaxabanaan.

5- Madaxweynaha oo qeybaha beelweynta Hawiye ka diiday inuu ka laabto ololahii xilka tuurista Ra’iisul Wasaare Saacid , maadama ay guriga Ra’iisul Wasaaraha hooyo ka tahay Caasha Xaaji Cilmi oo la ogyahay miisaanka ay beesha Hawiye iyo Somalida ku dhex leedahay.

Sikastaba ha ahaatee, Waxaa Muqdisho looga shaahayaa “TOLKAADA WAA FAARAX”

W/Q: Dahir Alasow