Sheekada ku saabsan Trump iyo Soomaaliya ee mar kale qabsatay Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya ayaa mar kale qabsaday warbaahinta Mareykanka kadib dood ka dhacday Congress-ka Mareykanka.

Dooddan ayaa qeyb ka ah kiiska loo haysto madaxweyne Trump ee ah inuu wax ka ogaa weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka 6-dii Janaayo 2021, ayaga oo diidan in la ansixiyo guushii Biden ee doorashadii madaxweyne ee uu November 2020 kaga adkaaday Trump. 

Guddiga January 6 ee Congress-ka ayaa shalay si buuxda ugu codeeyey in loo yeero madaxweyne Trump si wax looga weydiiyo dhacdadaas, ayada oo lagu eedeynayo inuu wax ka ogaa isku day wax looga beddeli lahaa natiijada doorashada. 

Go’aanka uu Trump ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya ayaa guddiga u adeegsaday inuu ku caddeeyo in Trump qirsanaa in doorashada looga adkaaday, iskuna dayey inuu natiijada wax ka beddelo.

Madaxweyne Trump ayaa amray Pentagon-ka ku amray in si deg deg ah ciidmada Mareykanka looga soo saaro Soomaaliya iyo Afghanistan kadib markii uu doorashada 2020 kaga adkaaday madaxweyne Joe Biden, waxaa sidaas shalay lagu sheegay marag-fur ka dhacay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Adam Kinzinger, oo ah wakiil Jamhuuri ah oo laga soo doorto gobolka Illinois ayaa intii u socday kulank Guddiga January 6, wuxuu sheegay in amarka ciidamada looga soo saaray Soomaaliya iyo Afghanistan uu caddeyn u yahay in Trump uu ogaa in maalmihiisa Aqalka Cad ay dhammaad ahaayeen, iskuna dayey inuu meesha ka saaro guusha Biden, sidoo kalena dhameystiro “shaqooyinkii qabyada ka ahaa.”

“Wuxuu iska indho-tiray walaaca ku saabsan cawaaqibka ku iman karay dawladaha taagta daran ee safka hore ee dagaalka lagula jiro Daacish iyo argagixisada al-Qaacida,” ayuu yiri Kinzinger. 

“Isaga oo og inuu xafiiska ka tegayo, wuxuu si deg deg u saxiixay amarkan 11-kii November 2020, kaasi oo qasbayey in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya iyo Afghanistan, lana soo geba-gebeeyo kahor inta aanu Biden xafiiska loo dharain 20-ka Janaayo 2021.” 

Amarka Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyey ee xilkiisa waxaa 700 oo askari oo Mareykan ah looga soo saaray Soomaaliya. Madaxweyne Biden ayaa bishii May 2022 amray in ciidankaas dib loogu celiyo Soomaaliya.