DF oo sheegtay inuu socdo kacdoon aargudasho ah oo la xiriira qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta oo kale 14-kii bishii October ayey aheyd markii gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay qaraxyo ay argagixisadu ku eekeysay isgoyska Soobe oo ah goob aad u mashquul badan.

Qaraxaas ayaa waxaa dad badan ay ku waayeen ehelkoodii iyo hantidoodii, kuwa kalena illaa iyo maanta ayaysan kasoo ka-banin waxyeeladiisii, waxaana ku dhintay in ka badan 500 oo qof, kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.

Haddaba, Shan sano kadib wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxaas oo weli uu muuqdo raadkiisa oo si sahlan u duugmi karin.

“Xuska 5 sano guurrada qaraxii argigixisada Al-Shabaab ee Zoobe October 14, 2017. Waxaa hubaal ah in aan la iloobi doonin dadkii ku waxyeeloobay iyada uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkeenii dhintay, laguna badbaadinayo inta nool,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaarada.

Xuska sanadkaan ayaa kusoo aaday, ayada oo markii ugu horaysay uu qeybo kamid ah dalka ka socdo howl-gal ay shacabku ka qeyb qaadanayaan oo Al-Shabaab lagula dagaalamayo.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah argagixsada Al-Shabaab looga xareeyay kooxda deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.