Daawo: Tirada dadkii lagu qarxiyey duleedka Muqdisho iyo khasaaraha soo gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Khasaare culus ayaa ka dhashay qarax maanta ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee koonfurta magaalada Muqdisho, halkaas oo gaari Caasi ah ay miino kula qaraxday.

Ugu yaraan sagaal qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaan, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Meydadkii iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxaas intooda badan waxaa la keenay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiina, waxayna dadkii tegay Caasimada Online u sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan ilmo dhalaan ah.

Gaariga uu qaraxaasi haleelay ayaa ka soo baxay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuu ku soo jeeday Muqdisho, markii laga soo tago dadka shacabka ah ee saarnaa, wuxuu sidoo kale siday Khudaar.

Miinada haleeshay gaariga waxaa lagu aasay bartamaha laamiga, wadadaan ayaa dhawaan la dhisay, balse waxaa banaan oo aan laami la saarin qeybta dhexe ee kala barta labada seed ee laamiga.

Dadka la socday gaariga ayaa u badnaa carruur iyo haween danyar ah, dowladu weli kama hadlin arrintaan, sidoo kale kooxdii geysatay oo la aaminsan yahay inay tahay Shabaab ayaa ka aamustay.

Dhaawacyada waxaa la xaqiijiyey 10 qof, waxaana intooda badan la dhigay isbitaallada Madiina iyo ZamZam, Hooyo iyo cunug saqiir ah ayaa nolol iyo geeri lagu waayey, darawalkii waday gaariga oo dhaawac fudud uu soo gaaray ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen 18 qof oo haween iyo carruur u badan.

Hoos ka daawo