Dhageyso: Jacfar oo xog cusub ka bixiyey abaabulka dagaal ee Murusade, raali gelina siiyey Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan golaha shacabka ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha ciidan xoog leh oo maanta Beesha Murursade ay soo bandhigtay.

Jacfar oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay diyaariyeen ciidan xooggan oo berri dhaqaaqi doona, kuwaas oo reer Hiiraan garab ku sii doona dagaalka ay Al-Shabaab kula jiraan mudada dheer.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa reer Hiiraan raali gelin ka siiyey in lagu fiirsaday dagaalka, “Nimanka reer Hiiraan dagaalka waa lagu hagraday, ka raali ahaada, maanta waxaan ku tashanay inaan idin garab istaagno, isla berrina waan dhaqaaqi doonaa,” ayuu yiri Jacfar.

Wuxuu sheegay in dadka ku nool deegaan deegaanada beesha ee ilaa Ceelbuur ay la soo xariiraan maalin kasta, iyagoo ka codsanaya in laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

“Maanta ayaa inku nimid markii ugu horeysay, berrina waan dhaqaaqi doonaa, aagga Maxaas ayaan ka dagaal geli doonaa, halkaas oo Ceelbuur iyo deegaanada kale aan ka xorey doono,” ayuu yiri Jacfar.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo masuuliyiinta beelaha kale inay is abaabulaan, “Nin hadda kadib wax abaabulaya waxaan rajeynaa hortiis in lasoo afjari doono Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu muujiyey rajada ah in aysan jirin beel Soomaaliyeed oo aan u abaabulneyn inay iska difaacdo Al-Shabaab.

“Reer Hiiraan waxaan ka raali gelineynaa dagaalka lagu hagraday, hadda ayaan u soconaa, waan idinka dul qaadi doonaa culeyska, waad halganteen reer Hiiraanow dagaalkaan is xoreynta ahna magaciisa adinkaa leh, waana idinku garab istaageynaa,” ayuu yiri.

Hoos ka dhageyso wareysiga