Daawo: Roobow oo culumada u sheegay qorshe ay kula dagaalami karaan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee XFS Mukhtaar Roobow ayaa culumada Soomaaliyeed hor dhigay dalab ah in dhanka fikirka ay kala dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka oo ka mid ahaa culumo galabta marti ku aheyd barnaamij ka baxay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda la gaaray goortii lasoo afjari lahaa.

“Ilmahaas duurka ku jira luuqad aan rasaasta aheyn fahmi maayaan, kuwa soo dirayna ilmahooda jaamacadaha ayey aduunka ka dhigtaan, horaan u sheegay, aan iska dhicino oo hal maalin aan ku dhaqaaqno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadii culumadu banaanka la soo istaagto afkaarta ay isku waafaqeen ee ah in lala dagaalamo Al-Shabaab, waxay u guuleysa doonaan sida reer miyiga qoryaha qaatay ay uga guuleysteen.”

Sidoo kale wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si tarab-tarab ah dadka Soomaaliyeed u laayaan, balse hadii hal maalin loo dhaqaaqo ay geeridu dhankooda u bada doonto, dilalkoodana laga reysa doono.

Wuxuu u mahad celiyey culumada reer Minnesota ee dalka Mareykanka oo cadeysay mowqif-kooda, dadkana ugu baaqday inay u midoobaan ciribtirka Al-Shabaab, sidoo kale culumada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka kale ee adduunka ayuu Mukhtaar ka codsaday inay codkooda ku soo biiriyaan kacdoonka.

“Maadaama daraasiin loo dhimanayo, hal maalin hadii lagu dhaqaaqo intaas nagama dhimaneyso, ajal ayaa loo dhintaa, ee raggaas xuquuqdeena hor istaagay aan iska difaacno, dhalinyaradaas kuwa soo diray ilahoodu jaamacadey Xamar ka dhigtaan, iyaguna waxay xaq u leeyihiin inay waxbartaan ee aan ka soo reebno caruurta, ayagana leyno,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Hoos ka daawo