Sheekh Aadan Madoobe oo DIGNIIN culus soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo u furmay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Sheekh Aadan Madoobe oo soo hadal qaaday weerarkii hoteelka Xayaat ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro horleh oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha caasimada.

“Dalkeenna waad ogtihiin wuxuu ka dhintay dhinaca amniga tii hadda ugu dambeysay oo darraad magaalada dhexdeeda ka dhacday oo shacabka Soomaaliyeed ku halaagsamay, weliba waxaa ka sii daray waxyaalaha ay hadda soo wadaan,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in la tilmaado qorsheyaal cusub oo wax looga qabanayo amni darrada dalka, gaar ahaan Muqdisho.

“Dadkaan dadka caawinaayo oo meelaha halista ah tusaayo, anagana nagu dhex-jiro xukuumadda waxaan uga baahanahay in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka oo ugu dhibka badan inay guri guri u ogaato dadka ku nool iyo waxa ay yihiin,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu rajeynayo in hadal kalya uusan noqon hadafka xukuumadda, balse looga baahan yahay ficil iyo waxqabad.

“Waxaan idin ka rajeyneynaa in hadal kaligiis arrintu noqonin, ficillo dhab ah oo Ummadda Soomaaliyeed ku tiirsato in xukuumadda ay la timaato,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Farriinta ka soo baxday Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Al-Shabaab kordhisay weerarada ay ku qalqal-gelineyso amniga dalka.