Sheekh Aadan Madoobe oo loo gudbiyey dalab la xiriira lacagihii musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga gurmadka ee abaaraha, iyaga oo ka wada-hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu soo saaray sidii deg deg gurmad loogu gaarsiin lahaa qoysaska Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta haatan ka jirta dalka.

Xubnaha guddiga ayaa intaasi kadib guddoomiyaha u gudbiyey codsi la xiriira lacagihii faraha badnaa ee laga qaaday musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha si qayb ka mid ah loogu deeqo gurmadka, waxna loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Musharaxiinta tartantay oo kor u dhaafeysay 30 qof ayaa mid kasta, waxa uu bixiyey lacag dhan 40 kun oo Dollar Mareykanka, taas oo aheyd mid lagu diiwaan-gelinayey tartamayaasha oo uu ugu dmabeyn ka soo dhex-baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa guddiga u sheegay in sida ugu wanaagsan uu Golaha ula shaqeeyn doono, uuna tixgelin doono dalabkooda.

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa haatan wada dadaallo xoogan, waxayna shalay la kulmeeyn Madaxweynaha cusub oo ay kala hadleen xaalada abaaraha ee dalka.

Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay haatan dalka ka jirto abaar aad u daran, ayada oo la soo warinayo in gobalada qaar ay dadka u dhinteen biyo la’aan, halka qaarkood ay ka baro-kaceyn deeganadii ay ku sugaanaayeen.

Soomaaliya ayaa waxaa kusoo noq-noqotay abaar baahsan, taas oo loo sababeynay Roobabkii la filayey oo aan di’in iyo dhibaatooyin kale oo is-biirsaday.