Sheekh Aadan Madoobe oo maanta xilka la wareegay, kadibna ku dhowaaqay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegtay, kadib markii 27-kii bishan April loo doortay guddoomuyaha baarlamaanka.

Aadan Madoobe oayaa waxaa marka hore kulanka kusoo dhoweeyey guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ay shaqadii usoo dhammaatay.

Guddoomiyaha cusub oo hadal ka jeediyey kulanka oo uu maanta buuq harreeyey, ka hor furitaankiisa ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay is dajiyaan, wuxuuna ku dhowaaqay in ajandaha maanta uu yahay kaliya xil wareejinta guddoonka cusub ee baarlamaanka.

“Maanta wixii ka dambeeyo ayaan bilaabeynaa howsha, wixii ka horreeyey ku simaha ayaa soo waday,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Wax kasta oo u baahan in la saxo waxaan isugu imaan doonaa Ciida kadib,” ayuu sii raaciyey.

Intaasi kadib, waxaa hadal jeedinta qaatay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dukumintiyada baarlamaankii 10-aad iyo xilkaba ku wareejiyey guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Mursal ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay waxqabadkiisii iyo shaqadii baarlamaankii hore ee dalka, isaga oo sheegay inay yeesheen illaa 26 kulan, sidoo kalena ay dhiseen xarumo u gaar ah xildhibaana baarlamaanka Soomaaliyeed, si ay ugu shaqeeyaan.

Gabagabadii Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayaa waxa uu ku dhowaaqay in markale ay isku soo noqon doonaan 4 bisha soo socotay ee May, kadibna ay ka hadli doonaan shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horreyso doorashada madaxweynaha.