Sheekh Al-Sima iyo xubno la socday oo howlgal lagu dilay

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-Cuni ee gobolkaasi, kaas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxdaasi.

Taliyaha guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Col. Cali Xabad oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ku jira sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Nuur Gacal oo magaciisa afgarashada uu yahay (Sheekh Al-Sima), kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa jabhada gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Col. Cali Xabad ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan labadaas gobol, si looga saaro Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Baay iyo Bakool.

Inta badan waxaa deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya weeraro ka fuliya kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan saddexda gobolka ee maamulkaasi.