27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

“Farmaajo wuxuu ku socdaa waddadii Xasan Sheekh” Waxaa sidaas yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusa-Mareeb (Caasimadda Online) – Hogaamiya Ahlu Sunna Waljameeca ayaa afka furtay kadib markii uu dib ugu laabtay Magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda Gobolka Galgaduud oo ay ka arrimiyaan Ahlu Sunna.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa ka dhawaajiyey inay dowladda Soomaaliya qeyb libaaxa ka qaadatay fashilkii ku yimaaday wadahadalkii u dhaxeeyey Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna kadib markii uu sheegay inay la safteen hal dhinac.

Hoggaamiyaha ayaa xusay inay arrintaas horey ugu naceen madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo uu ku eedeeyey inuu la saftay kooxda Cadaado fadhiso sida uu isaga hadalka u dhigay.

Wuxuu shaaciyey in haddii ay dowladda kusii adkeysato la safashada Galmudug ay keeni doonto inay mar kale fashilmatay Galmudug sida dhacday markii uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Xasan Shiikh Maxamuud sida uu hadalka u yiri Shiikha.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqoto wadahadalka Ahlu Sunna iyo Galmudug hadidi la rabo xal kama dambeys ah balse aysan dhicin doonin inay Ahlu Sunna la heshiiso Galmudug inta ay dowladda wado cadaalad darro.

Hadalkaan ayaa imaanayo xilli dhawaan uu fashil ku yimid wadahadalkii u dhaxeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug markii ay Ahlu Sunna miiska soo saartay qodobo la sheegay inay culeys ku noqotay Ahlu Sunna sidoo kalana ay taageeri weysay dowladda dhexe.

Doorashada Galmudug ayaa lagu dhawaaqay inay dhici doonto 03 May oo ku beegan Arbcada soo socoto, waxaana shaki weyn ku jiraa sidii ay uga shaqeyn laheyd Gobolka Galgaduud oo intiisa badan ay gacanta ku heyso Ahlu Sunna.

Haddii uu xilka Galmudug qabto madaxweyne furfuran awoodna u leh inuu qanciyo Ahlu Sunna waa xalka ugu dhaw ay ku badbaadi karto Galmudug, wuxuuna madaxweynahaas Ahlu Sunna ku qancin karaa inuu xilal muhiim ah ka siiyo golaha wasiirada ee Galmudug.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News