Sawirro: La-taliyeyaasha Farmaajo oo hor-boodaya wax walba (Aaway shaqadii wasiirada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo shirar loogu diyaar garoobayo shirka dhawaan Soomaaliya uga furmi doono Magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya gaar ahaan qorshaha amniga qaranka.

Haddaba la taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay inay qabtaan shaqadii loogu talagalay inay wasiirada qabtaan waxayna hor boodayaan shirarka ka socdo Xerada AMISOM ee Xalane.

Lataliyayaasha ayaa kulamo la qaadanayo wakiilada Beesha Caalamka ee saameynta ku leh shirkaas kuwaas oo ku sugan Muqdisho, waxaana arrintaas lagu tilmaamay inay tahay arrin sharci aan aheyn maadaama ay qabanayaan shaqo aan loogu tagalin.

Guddi ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, La Taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasada Xuseen Macalin iyo C/raxmaan Ceynte, ayaa kulamo la qaadanayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, Wakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain iyo Wakiilada kale ee Beesha Caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay keento qorsho mideysan oo lala tago shirka London waana ujeedka ugu weyn shirarka ka socdo Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyo dowladda iyo Beesha Caalamka.

Qorshaha Amniga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo kaalmada abaaraha ayaa kamid ah qorshaha la doonayo inay ka heshiiyeen dowladda dhexe iyo beesha Caalamka, waxaana sidoo kalana ku jiro qodobada laga heshiinayo arrimaha siyaasadda sida dastuurka iyo gaarista doorashada qod iyo cod ee la filayo inay dhacdo sanadka 2020.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u ahaa sidii qorshe loo mideysan yahay ay beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ula tagi lahaayeen shirka London.

Waxaana muuqato inay dhammaan shirarkaan hor boodayaan la taliyayaasha madaxweynaha, wuxuuna shirka London furmi doonaa 11 Bisha May, waxay shirka si wadajir ah u guddoomin doono Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET