Dowlad aan xalin karin buuqa laba qof, ma hogaamin kartaa Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Waxaa maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Muqdisho ka socday Khilaaf weyn oo u dhaxeeyo Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow iyo agaasimihii xilka laga qaaday ee Wasaaradaas Bahlaawi.

Khilaafka ayaa ka dhashay markii Eng. Yariisow uu ka dhawaajiyey inuu xil ka qaadis ku sameeyey agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta Bahlaawi kaasoo muddo badan xilkaas hayey kadib markii uu sheegay in lagu helay musuq maasuq, dhankiisa Bahlaawi wuxuu eedeyntaas ku tilmaamay inay tahay mid aan waxba ka jirin oo laga leeyahay ujeeddo gaar ah.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay, wuxuu Bahlaawi sheegay inuusan xafiiska wareejin doonin, taasoo keentay inuu Wasiir Yariisow waraaq dhigo alabaabka wasaaradda, taasoo looga mamnuucay Bahlaawi inuu soo galo xarunta wasaaradda oo markii horeba si awood ku dheehan tahay looga soo saaray.

Eng. Yariisow ayaa ka dhawaajiyey inuu musuq maasuqa lagu eedeeyey Bahlaawi u gudbiyey xeer ilaalinta iyo Hanti dhawrka guud ee qaranka, waxaana shalay waraaq lagu amray in Bahlaawi lasoo xiray kasoo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, waxaa waraaq kale soo saaray Hanti dhawraha qaranka kaasoo sheegay inuu Eng. Yariisow hor istaagay baaritaankii lagu sameyn lahaa agaasimayaashii xilka laga qaaday kadib markii uu diiday inay wasaaradda galaan, wuxuuna wasiirka ka codsaday inuu si deg deg ah u ogolaado inay agaasimayaasha galaan wasaaradda si document-yada baaritaan loogu sameeyo.

Haddaba dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ay arrintaas taabaneyso weli wax war ah kama soo saarin khilaafka u dhaxeeyo labadaan Mas’uul, waxaana shaki laga qabaa sida ay dowladdaan u wax u xallin karto maadaama ay ilaa hadda ku guuleysan la’dahay inay soo kala dhex gasho labadaan Mas’uul ee muddo isku dhagan.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga fadhiyaa inuu arrintaas si deg deg ah wax uga qabto, si shaqadii wasaaradda ay si habsami leh u socoto, lana xaliyo khilaafka gaaray heerka ugu sarreeyo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET