Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud oo tagay dalka Imaaraadka Carabta

Dubai (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen dalka Imaaraadka Carabta.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa hoggaaminaya wafdiga Ahlu Sunna, waxaana Dubai ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxda Ahlu Sunna inta ay joogaan Isu Taga Imaaraadka Carabta kulamo xasaasi ay la qaadan doonaan madaxda dalkaasi, iyagoona kala hadli doono arrimo kala duwan, inkastoo aan weli laga helin xog dheeraad ah.

Hoggaamiyeyaasha Ahlu Sunna  ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, tan iyo markii ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa haatan u muuqata inay soo rogaal celineyso, kadib markii ay ka adkaatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shalay ayey sidoo kale aheyd markii  Ahlu Sunna ay soo saartay qoraal xasaasi ah oo kaga hadashay dagaalkii ka dhacay xarunta INJI ee magaalada Dhuusamareeb.