Sheekh Shaakir: Lacag lagu siday jawaanno ayaa lagu doortay guddoomiye Gacal

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xuukuumadda Galmudug oo wareysi siiyey Tv-ga Soomaali Cable ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan doorashadii guddoonka baarlamaanka ee uu dhowaan ku soo baxay, Maxamed Nuur Gacal.

Sheekh Shaakir ayaa doorashadaasi oo dhacday 17-kii bishaan January ku tilmaamay in la musuqmaasuqay, islamarkaana lagu bixiyey lacag, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorashadu aysan u dhicin si xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dowladdu ku bixisay laaluush iyo lacag lagu doortay guddoonka.

“Doorashada lagu doortay Galmudug dhexdeeda oo la leeyahay guddoon ayaa lagu dooratay, waxaan dhihi karnaa guddoon sax ah laguma dooran ee laaluush iyo Lacag ayaa lagu doortay” ayuu waraysigaan ku yiri, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sheekha oo hadalka sii wata ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada laga daba waday lacag jawaano lagu siday, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug oo sidoo kale ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa intaasi ku daray in xildhibaanada wax doortay aysan xor aheyn, islamarkaana lagu hayey Kontorool iyo ilaalo la daba dhigay, si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda.

“Anagu ma aanaan aqoon doorasho jawaano lacag ah laga daba wado waxan u haysanay dad xor ah, laakiin waxa aan aragnay xildhibaano la kontoroolayo oo ilaalo la daba dhigay marka dowladda dalka masuulka ka aheyd ayaa sidaan u dhaqmaysa”.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ka baxday heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna ee ku aadanaa dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka hareeyey maamulkaasi, waxaana shalay Ahlu Sunna xildhibaano ay uga dhawaaqday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud, kuwaas oo doortay guddoon cusub.