Muqdisho: Askari ka tirsan ciidanka DF oo si yaab leh u dilay wiil dhalinyaro ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu ka geystay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Kaawa Godey ee dhanka degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ku dhacay si lama filaan ah, kadib markii marxuumka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Munasar uu gadaal kaga yimid askariga oo la sheegay inay saaxibo ahaayeen, kadibna uu isku duubay, taas oo keentay in askariga uu mar qura rasaas ku furo, islamarkaana ay sababtay in marxuumka isla meesha uu ku dhinto.

“Isaga oo banaanka ka yimid wiilka la dilay ayuu soo galay meel laga buuxo, si kalsooni leh ayuu saaxibkii oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda isugu duubay, askariga wax dilay oo aan hubsan ayaa la soo baxay bistoolad, waxana uu sidaas ku dilay qofkii gadaal ka taagnaa, isaga oo aan eegin cidda ay tahay, wuxuuna ahaa Saaxibkii Munasar” ayuu yiri qof Goobjooge ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydka ay goobta ka qaadeen dad shacab ah, iyadoona markii dambe ay halkaasi tageen ciidamo ka tiran kuwa amniga oo gacanta ku dhigay askarigii geystay falkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Munasar uu ahaa ganacsade, islamarkaana uu xaafadda Kaawa Godey ku lahaa Maktabad lagu iibiyo kutubada iyo buugaagta.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley ka soo saareen dhacdadaasi.

Falkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal kala duwan oo maalmihii dambe ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ay geysteen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya