Xildhibaano ‘maxaabiis ah’ oo Galmudug ku dooranaya madaxweyne iyo ku-xigeen

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo xoog iyo xoolaba ku soo saartay Xildhibaanada Galmudug, sidoo kalane lacag badan ku bixisay doorashada guddoonka baarlamaanka, ayaa haddana qaab maxaabiis ah u xareysatay xildhibaanada Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay guryo fillooyin ka kireysay Dhuusamareeb, islamarkaana ay dagan yihiin Xildhibaanada Galmudug, taas oo lagu tilmaamay Baarlamaan Maxbuus ah.

“Fillooyin ayaa loo kireeyay waxaana la daba dhigay ciidan, mobile kama qoran kartid xataa kuma salaami karaan sidee ayey doorasho ku galayaan” ayuu yiri mid kamid odayaasha dhaqanka Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb.

Horey waxaa xildhibaanada loogu hanjabay in haddii ay diidaan doorashada la beddeli doono oo xildhibaano cusub lasoo magacaabi doono.

Nabadoonkaan oo dalbaday in aanan adeegsan magaciisa, ayaa noo sheegay in Galmudug ay cadahay in uu Madaxweyne ka noqonayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor isagoo u cuksaday taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan tahay.

“Madaxweynaha Xaaf qofka badali doono waa Qoor-Qoor, maalin cad ayaa nala dhahay, halkaan waxaa u rabnaa qof la shaqeyn kara dowladda oo aan soo tijaabinay waana isaga qofkaas” ayuu hadalkiisa sii raacay Nabadoonkaan ka tirsan Saxiixiyaasha Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa lagu wadoo in maalinta Khamiista ah ay ka dhacdo Dhuusamareeb, sida ay sheegeen guddiga doorashada Galmudug, gaar ahaan dhinaca taabacsan dowladda Soomaaliya.