Sheekh Shaakir oo Guriceel tegay iyo Macallin Maxamuud oo ku wajahan Gaalkacyo

Guricel (Caasimada Online) – Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, islamarkaana ka mid ah madaxda Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sheekh Shaakir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Guriceel, halkaas oo maanta laga dareemayey soo dhaweyntiisa, waxaana magaalada isugu yimid inta badan culumada Ahlu-Sunna ee gobollada Dhexe.

Shaakir ayaa deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb, kaasi oo keenay in markii dambe madaxda Ahlu Sunna isaga baxaan magaalada.

Sidoo kale, hogaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud ayaa isna lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadaan hoggaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaali ay marayso meel xasaasi ah isla markaasna deegaanada Galmudug uu ka socdo dagaal lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor weli kama uusan hadlin safarka uu Sheekh Shaakir ku yimid Magaalada Guriceel.

Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna.