Sheekh Shaakir oo shaaciyey wada-hadal u socdo Ahlu-Sunna iyo DF Soomaaliya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo dhaweeyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka goboleedka Galmudug, wuxuuna Dowladda Federaalka ku bogaadiyay fulinta howlgalkaas.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, islamarkaana aysan iyaga duulaan ku aheyn dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in iyaga iyo dowladda dhexe uu u socdo wada-hadal, balse Sheekh Shaakir faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxa uu yahay wada-hadalkaas.

Dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyey in ay kusoo duushay ururka Ahlu-Sunna, wuxuuna sheegay in dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ay ka duwan tahay middii hore maadaama ay awoodeeda dhan isugu geysay inay dalka ka xoreyso kooxda Al-Shabaab.

“Ahlu-Sunna Waljamaaca waxa ay Dadka u tababartay in ay iska dhiciyaan cadawga, Sideedaba marnaba Ahlu-Sunna lama dagaalamin Dowladda Federaalka, Dowladdii hore iyadaa kusoo duushay iyada iyo waxeedii way isla tageen, dowladda cusub markii ay ku dhawaaqday ficilkii aan sameyn jirnay in ay sameynayaan in aan ku garab-galno, Ceelbuur oo kale intaas oo jeer ayaan qabanay oo waxaa la’aa Dadka Deegaanka balse maanta Dadku kaceen wax looga hara ma jiro,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uu sheegay in uu wadahadal u socdo Dowladda Federaalka, balse waxa uu ka gaabsaday in uu faah-faahin ka bixiyo, xiriirka kala dhaxeeya Dowladda ayuu ku sheegay in uu yahay mid wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku bogaadiyay kaalinta uu ka qaadanayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab soona dhaweynayaan fulinta tallaabada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, wax welibana laga heshiin karo.

“Markii Madaxweynuhu uu ku dhawaaqay oo uu yiri waan baabi’ineynaa nimankaas runtii waxa aan usoo dhaweynay si aan Dadka kale usoo dhaweyn waayo gubasho aan ka gubaneyso shacabka dhibaatada ay ku hayaan nimankaas ayaa horay ugu kacnay, madaxweyne sidaas u iclaamiya oo weliba qodobada uu ku dhawaaqay waxaa kamid ah fikirkooda ayaan suulineynaa oo dhaqaalaha ayaan kala dagaalameynaa waana midda aan dooneynay, rag kamid ah Dowladda ayaan wada hadalnay kamana hordhacaayo, wax weliba waa laga heshiin karaa, maamulka Galmudug & DFS waxa ay ka mideysan yihiin in Shabaab la iska suuliyo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay BBC Somali.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray dagaalkii khasaaraha badn dhaliyay ee degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya & xoogagga Ahlu-sunna.

Ciidamada Galmudug oo garabsanaya kuwa DFS iyo Ciidan uu hoggaaminayo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Guriceel ku dagaalamay October 2021, halka isla ciidankaas Sheekha uu hoggaamiyaha u yahay ay Dhuusamareeb weerareen 13-kii May 2022.