AL-SHABAAB ma caawin doontaa labada beel ee ay Muqdisho ku beegsaneyso?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab ayaa lasoo warinayaa inay fuliyeen dhowr dil oo u muuqday aargoosi. Dilalkaan waxay dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dadka la dilay oo dhallinyaro ay ku jirtay waxaa dilkooda lala xiriiyey kacdoonka beelaha qaar isaga saarayaan kooxda Al-Shabaab. Kooxda si ay u xanuujiso beelaha waxay Muqdisho ku dileysaa dad ku xisaab ah beelahaas dagaalka kula jira.

Dilkaan aargoosiga ah wuxuu iftiiminayaa dhaqanka saxda ah ee kooxda Al-Shabaab. Horey dagaal beeleedyada ayaa u lahaa dhaqan aargoosi ah, laakiin markaan kooxda markii hore afkaar diimeedka kusoo gashay saaxadda ee Al-Shabaab ayaa dabaqeysa dhaqan lamid ah kii qabiilada ee aargoosiga.

Haddaba waxa ugu badan ee la is waydiinayo waxay tahay tan Al-Shabaab maka yareyn kartaa kacdoonka qabiilada?

Goor sii horeysay beesha dagta magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa la dirirtay Al-Shabaab. Dad badan ayaa xilligaasi laga laayey kooxda, waana laga saaray deegaanka, laakiin kooxda waxay magaalada Muqdisho ku dishay odayaal iyo dad badan oo waxgal ah oo Bacaadweyn kasoo jeeday, iyadoo ugu aareysa dadkii dagaalka looga laayey dhinaca kalana rabta inay beeshu ku dhiibto xukunkooda .

Markaas Al-Shabaab waxay gaareen wax u dhow ujeedkooda oo beeshii iyo iyagu waa heshiiyeen. Reer Bacaadweyn waxaa la sheegaa inaysan helin taageero dowladeed markii ay kooxda is hayeen.

Al-Shabaab isla aragtidaas ayey hadda ku wajaheysaa beelaha dagaalka kula jira ee kasoo jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Beledweyne.

Dadka ay illaa iyo hadda u dileen sida aargosiga ah uma sahlin in dagaalkii laga joojiyo, taas badalkeedana waxaa kooxda laga qabsaday goobo cusub.

Dhaqankaan ay kooxda ku dileyso dadka aan dagaalka ku jirin balse la rabo in lagu xanuujiyo beelahooda wuxuu sawirkii ugu xumaa ka bixiyey dhaqanka kooxda wuxuuna ka leexiyey qaar kamid ah dadkii weli u heystay in hadafka kooxdani uu yahay mid diin ku saabsan.

Looma badinayo in mar kale aragtidaan aargoosiga ah ugu badin doonto kooxda Al-Shabaab, laakiin taas cagsigeeda qaar kamid ah dadka waxgalka ah ee beelahaas la beegsanayo kasoo jeed a waxay sheegeen inay tani adkeeneyso mowqifkooda ay ku diidan yihiin in la gumaado lana gumeeyo.

Dhaqamada noocaan ah waxay kamid yihiin kuwa ay lasoo baxaan gunaanadka kooxaha argagixisada ah ayey leeyihiin dadka darsa halista iyo dhaqamada kooxahaan.