Sawirro: Ciidanka dowladda oo Al-Shabab kala wareegay BASRA iyo deegaano kale

Balcad (Caasimada Online) – Ciidanka dowladda federalka ah Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka ayaa waxaa ay la wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin  hoostaga, kuwaas oo dhaxeeya magaalooyinka Afgooye iyo Bacad oo kala tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Guulahan ayaa yimid kadib markii waabarigii saakay ciidanku ay ku qaadeen howlgallo ballaaran deegaannadaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda.

Ciidamada ayaa la wareegay ilaa dhowr deegaan, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, deegaannada ciidanka uu la wareegay ayaa kala ah: Basra, Sabyo, Baqdaad, Beled Al-kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaley, Daniga Balow, Buula Xansholey.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay intii uu howlgalka socday in sidoo kale lagu dilay shan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, deegananadaan ayaa muhiim u ah isku xirka gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, waxaana sidoo kale howlgalka lagu bururiyay xarumo ay la haayeen Al-Shabaab oo ay maxkamado ku jiraan.

Ujeedka howlgalkaan ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo dhaqaajin lahaa mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taas oo u istaagtay sababao amni, kadib markii cabsi laga muujiyay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadaan dadka dhismaha wada ee isugu jira Soomaalida iyo Turkish-ka, dhismaha wadada ayaa hadda joogta degmada Balcad.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in howlgallada ay sii socon doonaan, inta laga xoreynayo Al-shabaab dalka,oo qeybo badan oo dalka ah wali ku sugan, waxaana dhallinyarada ku jira markale dowladdu ugu baaqday in ay isku soo dhibaan ciidanka xoogga dalka sida lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya.