Sheekh Shaakir oo shaki geliyey heshiiskii uu la galay DF, soona saaray digniin

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa durbo su’aal ka keenay heshiiskii uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ahlu-Sunna kula galay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ahlu-Sunna ay shaki weyn ka qabto dhaq dhaqaaqa dowladda federaalka ka wado gudaha Dhuusamareeb.

Sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug ayaa ka dalbaday dowladda dhexe inay jawaab deg deg ah ka bixiso dhaq dhaqaaqyada haatan ka socda Dhuusamareeb oo uu sheegay in ay ka baxsan yihiin heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay ku xadgudubtay heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan heshiiskii, hadal heyn ah in ciidamo ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda federaalka, howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa.

Ahlu-Sunna ayaa warkan waxaa kale oo ay ku sheegtay in aan weli la dalacsiin, islamarkaaana aan la sharciyeyn saraakiisheedii lagu daray kuwa dowladda.

Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ka dalbaday inuu ka dhabeeyo heshiiska ay la galeen iyo ballan qaadyadii uu u sameeyey shacabka deegaanada maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com