Sheekh Shariif: Maanta waa maalin ku weyn dalkeena, waxaana ballan-qaadayaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war kasoo saaray dastuurkii u horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo ku asteysnaa muddo 60 sanno ka hor maanta oo kale.

Sheekh Shariif ayaa maanta oo ku suntan maalintii ugu horeysay ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada ayaa ku tilmaamay inay tahay maalin ku weyn dalkeena.

“Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Dalkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya – 20-June-1961,” ayuu yiri.

“Waxa uu ahaa mid kamid ah dastuurrada heshiis bulsho ee caalamka ugu fiican, qaaradda Africa oo aan ka tirsannahayna ka ahaa tusaalaha ugu fiican, balse gabi ahaanba la baa’biyey markii Milatarigu ay afgambi talada Dalka ku qabsadeen 21 October 1969.”

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurkii qabyada ahaa ee uu diyaariyey muddo xileedkiisa, in ilaa maanta oo kasoo wareegtay 8-sanno aan wax is bedel ah laga sameyn dhameystirkiisa.

“60 sano kadib maalintaas qiimaha weyn noogu fadhida, maanta waxaan haysannaa Dastuur qabya ah oo intii aan xafiiska joognay aan diyaarinay, hayeeshee 8 sano kadib oo laba Dowladood ay is bedeleen weli aan la dhamaystirin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday hadduu markale kusoo laabto xafiiska u sareeya dalka in uu dhameystiri doono dastuurka qabyada ah, ayada oo lagu ansixinayo afti dadweyne, sida uu sheegay.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa haddii aan xafiiska kusoo noqonno Bi’idnillah, inay naga go’an tahay sidii aan u dhamaystiri lahayn dastuurkaas qabyada ah, Soomaaliyana ugu sameyn lahayn Dastuur rasmi ah, afti dadweyne lagu ansixiyo marka tirakoob shacab aan sameyno.”