Wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada oo shaaciyey sabab loo haysto askarta la geeyey dalka Eritrea (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka hadlay xaaladda askarta ay Dowladda Soomaaliya tababar ahaan ugu dirtay dalka Eritrea iyo sababta ka dambeysa inay dalka ka maqnaadaan waqti ka badan intii loogu talagalay inay tababarka ku qaataan.

Baqdaadi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay xaliso waxyaabo badan oo ka qaldoomay oo sababay in askartaan Soomaaliyeed ay muddo badan ku xayirmaan dalka Eritrea.

Baqdaadi oo la hadlay Goobjoog TV ayaa sheegay in arrimaha ka qaldoomay Dowladda Soomaaliya ay kamid noqon karaan wararka la hadal hayo ee ku saabsan in dowladda Soomaaliya ay bixin weysay lacago ay ballan qaaday taasoo keentay in askarta laga qaaday dalka loo heysto rahan ahaan.

“Askari dable ah in sanad iyo ka badan la hayo caqliga caadiga ah ma keenayo, waxaan aaminsanahay inuu jiro arrin ay xalin la’ dahay dowladda hadda jirta, waqtigii loogu talogalay way dhaaftay, qorsheyaashii laga lahaana waa suurageli waayeen,” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada.

Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in rajo fiican laga qabo dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo guddiga uu magacaabay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyey in xog rasmi ah oo ay ku qancaan waalidiinta la keeni doono.

Ugu dambeyntii, wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada ayaa madaxda ugu sarreeyo dalka ka codsaday inaysan ka been sheegin xaaladda ay ku sugan yihiin askarta maqan, maadaama waalidiintii dhalay ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.