Fiqi oo ka hadlay heshiiska ay Soomaaliya kalluunka ugu beddelayneyso qaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu si yaab leh uga hadlay heshiiskii ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo qaadka Ethiopia lagu bedelanayo Kalluunka Soomaaliya.

Heshiiska oo saaka lagu saxiixay gudaha garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cade, ayaa waxa uu Fiqi ku tilmaamay mid aan baahi badan loo qabin, marka loo eego faa’iidada labada badeeco ee la isku badalay.

“Ethiopia wax soo saarkeedii badnaa ee baahida loo qabay ma waxay dawladeenu nooga doortay Qaadka inaan ka soo qaadanno, ugu bedelno kalluun!?,” ayuu yiri Fiqi oo su’aal ka keenay tallaabada ay qaaday dowladd.

Sidoo kale waxa uu shaki galiyay daah-furnaanta ka ganacsiga qaadka oo uu sheegay inay u xiran yihiin dad gaar ah oo qaraabo dhow la ah madaxda sarre, taasi oo meesha ka saareysay ganacsiga xorta ah.

“Sheekadu waxay maraysaa “ninkaad jeclaanayso qaadkiisaa la jeclaadaa, ka ganacsigiisana qaraabadaa lala jeclaadaa!,” ayuu ugu dambeyntiina qoraalkiisa ku yiri Fiqi.

Si kastaba, Heshiiska ay maanta kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxa uu noqonayaa heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah, oo horseedaya in Kalluunka Soomaaliya uu suuq caalami ah ka helo dalalka deriska iyo kuwa kale.