Sheekh Shariif oo gaaray Nairobi kadib bilo uu ‘xeelad siyaasadeed’ ku maqnaa

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Nairobi, halkaasi oo uu ka billaabi doono olole doorasho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo tegay dalka Imaaraadka Carabta, oo uu muddo ku sugnaa, halkaasi oo ay degan yihiin qoyskiisa.

Safarka Shariif ee Nairobi ayaa noqonaya markii ugu horreysay muddo ka badan laba bilood oo uu dib ugu soo laabto saaxada siyaasadda dalka, isaga oo ka gaabsaday intii uu socday loolankii heshiiska doorashada ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in muddadaas uu Shariif ku maqnaa wax loogu yeeray “xeelad siyaasadeed” oo ay qeyb ka ahayd inuu yareeyo ka hadalkiisa siyaasadda dalka, si aan loogu arag qof mar kasta ka daba qeylinya dowladda oo hadalkiisa macno beelay, taas beddelkeedna uu doonayey in ficillada dowladda looga jawaabo kaliya qoraallada Madasha Xisbiyada Qaran.

Xog kale ayaa sidoo kale sheegeysa inuusan dooneyn in lagu sawirro qaar ka mid ah mucaaradka dowladda oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo magac wanaagsan aan ku dhex lahayn bulshada.

Dadka ku dhow dhow waxay sidoo kale ku tilmaameen maqnaashihiisa xeelad siyaasadeed oo uu doonayo inuu si dardar ah kusoo galo qlolaha doorashada oo hadda waqtigiisa la gaaray, maadaama heshiis laga gaaray waqtiga iyo nooca doorashada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Nairobi kula kulmi doona ganacsato, wakiilada caalamka qaarkood, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu dhowaan safarro ku tago gobolada dalka, si uu culeys ugu yeelo ololihiisa doorashada madaxweynaha 2021, isaga oo taageero ka raadinaya maamul goboleedyada.