Xog: Beesha Xawaadle oo dooneysa in loo soo celiyo heshiis ay 4 sano kahor ka diideen Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Beesha Xawaadle oo diidan qaabka loo marayo dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle ay codsadeen in dib loo soo celiyo qorshe ay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka diideen afar sano ka hor.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billowgii dhismihii HirShabeelle ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta reer Hiiraan, in ay qaataan caasimadda HirShabeelle, sidoo kalane ay afartii sanaba mar qaataan madaxweynaha, taas oo ka dhigan in afar sano isku haystaan madaxweynaha iyo caasimadda, afarta kalane ay heestaan Madaxweyne ku xigeen iyo caasimadda.

Xilligaas beesha Xawaadle way diiday qorshaha Xasan Sheekh waxayna qaadatay madaxweynaha, halka beesha Abgaal la siiyey caasimadda. Balse waxaa hadda soo baxday in taasi ay ku koobneyd kaliya hal muddo xileed, oo aanu macnaheedu ahayn in beesha Abgaal aysan marnaba arkin madaxweyne.

Qaar ka mid ah siyaasiinta Xawaadle ayaa sheegay in ay aheyd afar sano ka hor in go’aankaasi qaataan balse ay xoog gelin doonaan hadda in dib loo soo celiyo qorsahaas ka hor inta aan la dhisin maamulka.

In caasimadda HirShabeelle loo celiyo Buulo-burte ayaa u baahan in dastuurka maamulka wax ka badal lagu sameeyo, markii la soo dhiso baarlamaanka cusub ee HirShabeelle.

“Hadda waxay diyaar u yihiin in ay laba mid qaataan, kuwaas oo kala, ah in Caasimadii loo soo celiyo, iyo in aysan caasimad-na helin madaxweynane sanadkaan helin,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka HirShabeelle oo aan la hadalnay.

Ma cadda haddii Villa Somalia oo gadaal ka riixeysa Cali Guudlaawe oo ah musharax madaxweyne oo kasoo jeeda beesha Abgaal, ay ogolaan doonto qorshaha cusub ee beesha Xawaadle.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda dedaalo xal loogu raadinayo cabashada ku saabsan dhismaha dowlad gobaleedka HirShabeelle, waxaana la filayaa in dhowaan uu si rasmi ah uga shaqa billawo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, marka baarlamanka ansixiyo.