Sheekh Shariif oo hal arrin oo xasaasi ah uga digay Farmaajo iyo R/W Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in lasii fogeeyo khilaafka ku saleysan siyaasada maamulka Somaliland oo uu sheegay in iminka ay tahay mid taagan meel dhow.

Sheekh Shariif, waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in lasoo dhaweysto maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay inaysan diidaneen midnimada, balse ay jirto tabasho xal u baahan.

“Waa in lala fadhiistaa Somaliland maadaama wadanka uu hadda ka jiro isbedel, xalka Somalia waxa uu muuqan doonaa wixii ka danbeeya wadahadalka Somaliland”

Waxa uu intaa raaciyay “Walaalkaa waxbuu kaa tabankaraa, khaladna wuu dhacay oo nina ma inkiri karo reer Koonfuroow maxaa idinka tallo ah arrinkaasi aniga waxa ay ila tahay in aan la garnaqsano ninkii shalay intuu xornimo qaatay kuu yimid ee calanka kuu keenay hadana ku yiri dhibaato ayaan tabanayaa ninkaasi gar ayuu taagan yahay”

“Marka haddii aan alle ka baqno waxa ay Somaliland mudan tahay in lala fadhiisto oo xal rasmi ah loo raadiyo cabashadooda”

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in xal degdeg ah loo raadiyo khilaafka labada dhinac, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay muhiim u tahay xalka Somalia.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ugu baaqay inay garwaaqsadan tabashooyinka Somaliland, waxa uuna ugu baaqay keliya inay ka shaqeeyan wanaajintooda si ay usoo degdegto midnimada.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in adduunka uu raadinaayo midow, halka Somaliland ay xiligaani mareyso kala ququb iyo gooni isku taag, hase yeeshee waxa uu ku baaqay midnimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com