Sawirro: Shariif oo dib ugu laabtay Jowhar + Ujeedka

Jowhar (CaasimadaOnline) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka markale dib ugu laabtay magaalada Jowhar oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Shariif iyo wafdigiisa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan oo ah tii labaad oo uu maalmo kooban gudahood Sheekh Shariif ku tago Jowhar ayaa saacadihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada.

Safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la xiriira dadaallo uu ugu jiro xal ka gaarida dhismaha HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay la socdaan waxgarad ka raacay magaalada Muqdisho, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono caasimada Jowhar.

Sheekh Shariif ayaa doonaya inuu xaliyo tabashada iyo khilaafaadka ka taagan dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay maanta dhaceyso doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabelle, iyadoona ay ku xigi doonto tan madaxeynaha & ku xigeenkiisa.