DF Somalia oo Muqdisho uga dhowaaqday qorshe looga hortagayo dhibaato taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqday qorshe cusub oo wax looga qabanayo Ayax fara badan oo ku habsan deegaano kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Saciid Xuseen Ciid ayaa kulan looga hadlayo qorshahaasi la qaatay Wasiirka Beeraha Daaqa & Dhirta Galmudug, Axmed Nuur Xaaji oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay sidii loo kordhin lahaa dagaalka ka dhanka ah Ayaxa, oo baabi’iyey dalagyo ku beernaa Beero ku yaalla degaano ka tirsan maamulka Galmudug, sida uu sheegay wasiirka Beeraha maamulkaasi.

Kulankaasi ayaa sidoo kale lagu lafo-guray sidii wasaaradda beeraha dowladda federaalka iyo tan Galmudug ay u kordhin lahaayeen la dagaalanka Ayaxa oo dhibaato ku haya degaano ka tirsan Maamulka Galmudug iyo deegaano kale.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka ayaxu uu yahay kordhinta howl-galada iyo dagaalka ka dhanka Ayaxaasi, oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga soo gudbay dhinaca dalka Yemen.

Waxaa uu xusay in deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ay ka bilaabeen howl-gallo lagu buufinayo Ayaxa, isagoona xusay in maamulada kale ay kala hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha lagula dagaalayo Ayaxa.

Ayaxa ayaa muddooyinkii dambe waxa uu dhibaato badan ku hayay deegaano ka tirsan dalka, gaar ahaan Maamulada Hir-Shabeelle & Galmudug oo uu ka baabi’iyey dalagyadii ku yaalay beeraha deegaanadaasi.