Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay tabashooyinka ka jira doorashada HirShabelle

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa markii labaad maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hir-Shabelle.

Madaxweynahii hore wuxuu ujeedka safarkiisa ku sheegay dib u heshiisin iyo xalinta wax walba oo tabasho ah kana dhex jira beelaha halkaas wada daga, xilli magaalada Jowhar ay ka socdaan doorashooyin lagu dhisayo maamul cusub.

Sheikh Shariif waxaa safarka ku wehliya siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada Hir-Shabelle, waxeyna ka mideysan yahiin sidii loo xalin lahaa tabasho walba oo jirta inta aan la guda-galin doorashada maamulka.

“Wax walba waxey ku wanaagsan yahiin in la xaliyo marka ay tagaan yahiin, sidaas darteed hadii aan maanta la xalin waxa ka jira Hir-Shabelle wax kale ayaa imaan kara,” ayuu yiri Shiekh Shariif.

“Waxaan rajeynaa in doorashada Hir-Shabelle ku dhacdo si nabad ah,” ayuu mar kale yiri madaxweynahii hore Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynahii hore waxaa ku jira taliyihii hore nabad-sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ah xubin ka mid ah madasha xisbiyada qaran.

Sidoo kale Shiekh Shariif waxaa dhinac taagnaa madaxweyne ku xigeenka Hir-SHabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ah qofka ugu cad-cad ee la filayo inuu ku guuleysto xilka ugu sarreeya dowlad goboleedka Hir-Shabelle.