Xog: Sheekh Shariif oo kusii jeeda Muqdisho + Halka uu degayo + Cidda sugeysa amnigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu magaalada Muqdisho soo gaaro Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqi doona musharaxnimadiisa, waxaana la filayaa in imaanshihiisa kadib uu kulamo la qaadan doono wakiilada beesha caalamka iyo dhinacyada ku garbinaaya ololihiisa doorasho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda qabanqaabada lagu soo dhaweynaayo Madaxweynihii hore ee Somalia oo la rumeysan yahay in miisaan uu ku dhex leeyahay ololaha ka socda Somalia oo u dhexeeya Musharaxiinta la loolameysa Madxaweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Guddiyo uu Sheekh Shariif u xilsaartay ololihiisa ayaa magaalada Muqdisho ka wada Ololaha Musharax Madaxweyne Shariif kuwaasi oo ku howlan diyaarinta boorarka lagu xayeysiin lahaa Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif waxaa kasoo dhamaaday ololihii uu ka waday dalka dibadiisa waxa uuna iminka dadaal ugu jiraa soo gaaritaankiisa magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa magaalada Muqdisho waxaa looga diyaariyay ilaa Seddex deegaan oo laba kamid ah ay ku yaallaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde, halka goobta Seddexaad ay tahay Hoteel Lafweyn.

Dhinaca kale, waxaa la xaqiijiyay amaanka goobaha uu degi lahaa Sheekh Shariif, waxaana xusid mudan in sugida amnigiisa ay qeyb weyn ka qaadan doonaan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Ugandha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com