Ugaaska Xawaadle iyo mucaaradka DF oo go’aan ku gaaray arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku sugan qaar kamid ah Xubnaha musharaxiinta ee ka tirsan Xisbiyada mucaaradka dalka.

Xubnahaani mucaaradka ah ayaa magaalada Beledweyne kulan waqti badan qaatay kula yeeshay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si ba’an kaga soo horjeeda maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Mas’uuliyiintani mucaaradka ah ee gaaray magaalada Beledweyne oo halkaasi ku shirsanaa Shalay ilaa maanta ayaa soo saaray war-murtiyeed dhowr Qodob ka kooban.

Mas’uuliyiintaani oo garab ka helaaya Ugaaska ayaa sheegay inay kasoo horjeedan in xiliga la joogo maamul loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyaga oo sabab ka dhigaaya in dalka uu ku jiro xaalad adag oo kala guur ah.

Waxa ay sheegen in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay soo jeedinayaan in dib loo dhigo Sameyntiisa ilaa dalka ay ka dhacdo doorashada la filayo in Bisha October ay Somalia ka dhacdo.

Mucaaraddka ayaa intaa ku daray in Sababta loo dadajinayo Dhismaha Maamulkaasi ay tahay Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayay ka dhaadhacsiiyen in Ujeedka loo dadajinaaya dhismaha maamulka cusub uu yahay mid uu Xassan Sheekh ku doonaayo inuu kaga gudbo doorashooyinka dhawaan dhici doona, isaga oo codad ka heli doona dhanka Xildhibaanada maamulkaasi kasoo gali doona Baarlamaanka cusub.

Ugaaska ayaa isna ku biiray Mucaaradka waxa uuna dhankiisa ka sheegay in maamulka cusub keliya uu ka shaqeyn doono magaalada Jowhar, hayeeshee aysan ka raali noqon doonin maamul ay dhisto dowlada Xassan Sheekh.

Xassan Sheekh ayuu sheegay inuu qaribay Siyaasada dalka isaga oo u adeegsanaaya maslaxadiisa gaarka ah, waxa uuna meesha ka saaray in Ujeedka dhismaha maamulka cusub uu yahay mid daacad ah.

Midowga Mucaaradka iyo Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa caqabad hor leh ku noqon doona dowlada wakhtigeeda uu dhacay ee uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com