Xog: Wasiirka amniga DF oo is-casilaya loona wada madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo kasoo baxaaya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia ee wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud uu wado qorsho uu Madaxweynaha maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe looga dhigaayo Wasiirka Amniga Qaranka Somalia C/risaaq Cumar.

Madaxweynaha ayaa qorshahaani la wadaagaya xubno ku wehliya Siyaasada Somalia, waxaana la soo warinayaa in Xassan Sheekh arrinkaani uu kasoo dhamaaday dhankiisa.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh uu Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed ka dhaadhiciyay inuu u tartamo xilka Madaxweyninimo ee maamulka cusub.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale la sheegay in qorshahaani cusub uu kala tashtay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowlada iyo Odayaal dhaqmeed lugta kula jira arrimaha labada Gobol, waxaana jira rajo muujineysa in C/risaaq Cumar Maxamed uu noqon doono Madaxweynaha maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu is casilo Wasiir C/risaaq Cumar Maxamed , si uu ugu dhawaaqo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha ee maamulka Cusub.

Socdaalka Xassan Sheekh ee maalmo un ka hor uu ku tagay magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ujeedkeedu ahaa sidii loo dar dar gelin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ka hor doorashada bisha October.

Xassan Sheekh ayaa ololo adag ugu jira sida Gobolada dalka uu gacanta ugu galin lahaa Saaxiibadiisa ku wehliya Siyaasada Somalia, waxa uuna ujeedka ugu weyn yahay in C/risaaq Cumar Maxamed uu isna bedelkiisa ka shaqeeyo codadka uu kusoo bixi lahaa Xassan Sheekh oo ah Musharax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com