Shirar lidi ku ah Xassan Sheekh oo ka socda magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Hoteelada Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhexeeya Musharaxiinta la loolameysa Madaxweynaha wakhtigeesa dhamaaday ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Shirarkaani oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa la sheegay in looga gaarayo go’aan ku aadan baaqii uu dhawaan Madaxweyne Xassan dhagaha ka fureystay ee ahaa inuu iska wareejiyo Gaadiidka dowlada isla markaana uu kasoo baxo Villa Somalia, maadaama uu wakhtiga ka dhamaaday.

Shirarkaani socda ayaa waxaa qeyb ka ah Xubno Siyaasiyiin ah oo aan kamid aheyn Musharaxiinta kuwaasi oo garbinaaya Musharaxiinta loolanka kula jirta Xassan Sheekh.

Musharaxiintaani ayaa dooneysa in go’doomin Siyaasadeed ay ku sameeyan Madaxweyne Xassan iyaga oo u adeegsanaaya warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Shirarka hadda uga socda Hoteelada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wadaa in mar kale laga soo saaro go’aano ku aadan wakhtiga ka idlaaday Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh.

Shirarkaani socda ayaa qeyb ka ah shirar maalmahaani mas’uuliyiinta uga socday magaalada Muqdisho.

Lama oga xiliga iyo wakhtiga uu ku ekaan doono shirarka u socda Musharaxiinta, inkastoo ay noqon doonaan kuwo aan dhamaad laheyn inta laga gaaraayo doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com