Sheeko Jaceyl: Cawil iyo Carawaalo !!

MAHADNAQ

Marka horre waxaa mahad leh Allaha na abuuray suurtagal ka dhigay in aan qoro sheekadan, waxaa kaloo u mahadceliyay labada qof ee sheekada quseesay kuwaasoo iga oggolaaday sheekadan in aan qoro lana wadaago bulshadda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa kaloo u mahadcelinayaa dhowr qof oo tallooyin ku lahaa sheekadan qoristeeda iyo saxitaankeeda.

Hordhac

Inta aan u bucda sheekada hoos ugu daadegin, waxaan jeclahay inaan dhowr qoddob oo arar ah gudbiyo, kuwaas oo kala ah, ujeedada sheekada iyo sababta.

Sheekadan waa xaqiiqo ah, waxaana ay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Labada magac ee sheekada ku xusan ma ahan magacyadii saxda ahaa, waayo shaqsiyaadka sheekada quseesa waxay codsadeen in aan la soo xiggan magacyadooda sababo la xiriira in uu mid kasta reer lee yahay xilligan.

FG: Sheekadan wax dan ah oo laga lee yahay ama cid gaar oo ay quseeso ma jirto, waa sheeko aan u arkay in ay muhiim tahay, anoo aaminsan in ay dhici karaan sheekooyin la mid ah ama u-dhow.

Gabagebo

Male mahaee waa dhab.

Ugu dambeen waxaan jeclaan lahaa qofkasta oo akhriya sheekadan in uu ila wadaago macnaha sheekadan xambaarsan tahay gaar ahaan sida loo qoray, waayo waa markii iigu horreysay ee aan qoro sheeko, dhaliilaha iyo boggaadinta aad ii soo dirtaan waxay iigu dhiirigalineysaa in aan qoro sheekooyin kale oo xitaa quseen jeceelka.

Mahadsanidiin

Jaceelkii Sagaalka sanno qaatay, oo Sidee ah??!!

Sheekadan waa xaqiiqo ah, waxaana ay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Labada magac ee sheekada ku xusan ma ahan magacyadii saxda ahaa, waayo shaqsiyaadka sheekada quseesa waxay codsadeen in aan la soo xiggan magacyadooda sababo la xiriira in uu mid kasta reer lee yahay xilligan.

Sheekada Cawil iyo Carawaalo waxay billaabatay sannadkii 2001-dii

Cawil waa 13-jir, wuxuu ka soo jeedaa qoys sabool ah, aabihii iyo hooyadii waxay ku nool yihiin miyiga/baadiyaha, wuxuu la nool yahay Ayeeydii oo loo keenay Muqdisho isbitaal maadama ay ka jabtay lugta midig.

Cawil waxaa Muqdisho loo keenay in uu u kaalmeeyo ayeeydiis maadama loo arkay in uu yahay wiil yer oo wax kasta u qaban kara ayeeyo.

Cawil intii ayeeydiis ay isbitaalka ku jirtay waxaa la geeyay malcaamad qur’aan, waayo markii magaalada la keenayay dhowr jus ayaa uga harsanaa qur’aanka kariimka.

Caraweelo waxay ka mid ahayd gabdhaha maclmaacada dhigta.

Waxay ka soo jeedaa qoys ladan, waxay lee yihiin dukaan, Caraweelo waa 12-jir.

Cawil ayaa ii sheegay in aysan jirin da’ qofka uu ku asiibo jeceelka ee uu aamisan yahay jeceelka in uu la mid yahay sida xanuuka oo kale, oo da’ kasta iyo xilli kasta uu ku soo martin karo.

Cawil wuxuu sheegay maalintii la keenay Malcaamada Qur’aanka in uu billowday jeceelka uu u qaaday Caraweelo, isagoo tilmaamay in uu marwalbo jeclaa inuu arko wajiga Caraweelo.

Xilligaas ma oga waxa haya in uu yahay jeceel, wuxuu isku heestaa qof ka helay gabadha, isagoo sheegay in uu la saaxibay wiil la dhashay Caraweelo, wuxuu ka damacsan yahay in uu u sii arko muuqaalka iyo qosolka gabadha.

Intaas kaddib, Caraweelo waxaa la geeyay Iskuul xaafadda ku yiilay si ay u barato cilmiga maadiga ah, wixii xilligaas kadambeeya Caraweelo waxay malcaamada qur’aanka aadi jirtay galabtii, waayo qur’aanka mar hore ayey dhameesay oo waa naqtiin.

Cawil subixii markii uu waayay Caraweelo ayuu weydiiyay walaalkeed oo uu ku yiri Caraweelo ma xanuunsan tahay, wiilka oo aan ogeyn dabka ku shidan Cawil ayaa si hal haleel ah ku yiri maya, ee waxaa subixii la geeyay Iskuul oo galabtii ayey hadda ka dib immaan doontaa dugsiga.

Cawil jawaabtaas kuma qancin oo waxa uu is yir armaa adiga gabadha laguu diidan yahay, maalintii dambe wuu soo kalahay, dugsigiina waa u gambiyay oo wuxuu kalkan u jarmaaday albaabka banaanka ee guriga Caraweelo si uu u arko kaliya, markii uu arkay waa iska baxay oo maba la hadli karee, isagana intaas ayaa u ah farxad, dhowr maalin markii uu saas sameenaayay ayaa waxaa maalintii dambe waxaa arkay qoyska ay ka dhalatay Caraweelo kuwaasoo is weydiiyay wiilkan waxa maalin kasta ku mamay albaabka gurigooda?

Wixii la baaraba waxaa la ogaaday in uu wiilkan jecelyahay mid gabdhaha reerka.

Reerku waa ay tashadeen oo waxaa la is weydiiyay sida Cawil looga goyn karo gurriga, waxaa lagu talliyay in la dilo ama la qariyo isaga dhan, si mardambe loo arkin, balse Caraweelo hooyadeed ayaa tiri “Yaan la dilin reerkooda ayaan aqaanaa ee anniga ayaa u sheegaya.”

Cawil waxbo kalama socda qorshaha loo dejiyay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa markii uu soo fadhiistay jirdiin u dhawaa gurriga Caraweelo, waxaa u soo baxay wiil ka weyn oo loo diyaariyay, kaasoo halkaas si xun ugu jirdilay Cawil ilaa heer isagoo bareer ah la yiri bes halaga dhaho miskiinkan isaga ayaaba soo laaban doonin.

Cawil sidaas oo loo dilay ma quusan maalintii dambe wuxuu yimid bartii lagu jirdilay, markii dambe reerka Caraweelo ayaa waxay u dacwoodeen cawil adeerkiisa oo uu markaas la joogo oo lagu yiri Wiilkiina waan ka harsan la’nahay ee naga ceshta haddii aad soo deesateenna noo sheega.

Cawil adeerkiis ayaa waxa uu la hadlay walaakiis oo ah aabaha dhalay cawil wuxuuna u sheegay in wiilkiisa laga harsan la’yahay isla markaana uu noqday mid seeg seeg ah, waxaa go’aan lagu gaaray in Cawil dib loogu celiyo miyiga.

Markii uu miyiga ku laabtay waxaa loo furay dukaan yer si loo mashquuliyo Cawil, waxaana gurriga loogu keenay macalin dugsi si uu qur’aanka ugu baro.

La soco Qeybta 2-aad haddii alle idmo.

W/Q: Maxamedkaafi Cali Muumin

Mohamedkafi01@gmail.com