Xamar waa la dulmiyay, yaa difaacaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdishoow, waxay ku abtirsataa taariikh muddo laba kun sanno ka hor iyo xadaarad fac weyn,  hase ahaatee, koriinkeeda magaalo iyo xiriiradeeda ganacsi iyo mid maamulba, waxay horay u mareen mudo yar kadib, soo if-bixii Islaamka. Ma doonayno inaan ku talax tagno ka sheekeynta taariikhda Xamar, maadaama lagu soo bandhigay kutub cilmi ah iyo qoraalo taariikheed oo fara badan, lagana heli karo matxafyada, maktabadaha iyo goobaha kale ee daraasaadka culuunta taariikhda caalamiga ah.

Xiliyadii maamulka xeebaha Somalia uu ka talinyaayay Sayid Saciid Barqash iyo waqtiyadii kale ee dalkeenu ku hoos jiray xukunkii gumeygii kala duwanaa ee reer yurub, ayaa Muqdisho waxay ahayd, xarun maamul ee taariikhi ah, mid ka mid ah kuwa ugu ballaaranaa ee ka jiray xeebaha badda cas iyo gacanka Cadmeed, Geeska Afrika iyo sidoo kale Xeebta badweynta Hidniya.

Markii Somalia qaadatay, kuna midowday istiqlaalkii, Muqdishow waxay noqotay magaalo madaxdii rasmiga u ahayd fadhiga dowladda iyo maamulka xiriirada dhaqaale iyo ganacsi.  Sidaas darteed, waxay noqotay magaalo ay kusoo qamaamaan dad reer guuraa u badan, iyagoo soo raadsaday inay dugsadaan nolol iyo nidaam casri ah oo aysan weligood  dhaqan ahaan aqoonin ka sakow ay ku adag tahay la qabsigeeda iyo iyagoo kuf iyo kac ah la daalo-dhacaya, ku dhex milmay la noolaashaha mujtamac deggan. ilbax ah, tacbato ah, meherado nololeed leh, xirfado yaqaan ah  iyo dhaqaan ahaana ku hoos nool nidaam dowladeed, sharci iyo kala dambeyn leh.

Somalida waa shucuub kala nolol iyo dhaqan duwan, laga yaabase, xataa xagga isirka iyo hab fekerkuna ku kala geddisan. sidaas darteed, Xamar waxaa ku kulmay dadkii reer magaalka, degaankana loogu yimid iyo duulal (Reer guuraa’)ah, xag damiir, xag anshax aadanimo iyo fekerba aan xuduud lahayn.

Taariikhiyan waxaa la og yahay, dadka reer guuraaga ah ee kusoo xoomay Muqdishow qaarkood in ay ku soo hirteen dumar kaga soo horeeyay Xamar cadde, una yimaadeen in la guursado. Dadkaasi waxa u suuragashay in ay noqdaan kuwo si aan xushmadeysnayn ula wadaagay dhexgal bulshooyinkii ay xididka la noqdeen iyo nidaamkii dowladda.

Badankood waxay ahaayeen duul ku dul nool kheyraadka dadyowga ay martida u ahaayeen,  iyagoo noqday dakhli laawayaal, canshuur-ma bixiyeyaal ah, haddana kaaga darran badankood ma tacbade bur-weyne inay noqdaan aan damiirkooda siin inay ka sariigtaan.

Dhaqan nololeedkooda ayaa waxaa saldhig u ahaa, ilaa haddana aaminsan yihiin oo aan garaadkooda ka korin, la noolahaasha cudur-sidaha qabyaaladda.  Laga soo bilaabo 1948-kii ilaa 91-kii waxay ku hoos noolaayeen ku dawersiga qaraabo kiilka, eexda iyo caddaalad daradii ku dhax gaamurtay muddadaas dheer nidaamkii iyo maamulka dowladeed.

Waxay ku dhaqaaqi jireen dhul boob, xatooyada iyo musuqmaasuqidda xoolaha dowladda, dhaca hanti iyo ku takrifalka kheyraadka guud iyo mid gaar ahaaneed ee dadka iyo isku fidin sharci darro ah magaalooyinka baraaraha iyo barwaaqada leh iyo nolol kale oo aysan xadaarad u lahayn.

Ugu danbeyntii, heerarkii kala duwanaa iyo daruufihii dhaliyay jariimooyinkii maamul iyo siyaasadeed, nolosha iyo taariikhdana lagu soo arkay, ayaa  waxay sabab u noqdeen inuu mar kaliya qarxo bam weyn, una dhigma midka Atoomikada.  Waxaa burburay maagaalooyinkii waa weynaa, raadadkii taaariikheed, lagana dheehanaayay Xadaradda Somalia, Muguqdishowna ugu weyntahay.

Qabyaaladdii laga sara mariyay qaranimadii, maslaxaddii guud, iimaanka iyo caqiidada ayaa waxay keeneen in hadda su’aal la geliyo mustaqbalka maqaamka Muqdishoow ay yeelaneyso. Waxay hoos gashay oo aan lagu qeexin dastuur siyaasadeysan oo qabyo qoraal ah, lagana shakisan yahay in la turxaan bixiyo, iyo baarlamaan aan ku imaan kalsoonida shacabka, jiritaanka sharciyaddiisuna waqtigey habboonaataba mudan tahay in wax la iska weyndiiyo, maadaama si xaq ah , xorna aan ku imaan doorasho xalaal ah. Waxaa soo xulay madax dhaqameedyo qabaa’il ah, waxaana loo xilsaaray xubin kasta inay matasho danaha qabiileeda iyo dhowrista nidaamka guracan ee 4.5-ka.

Maamul xumadii isbiirsaday ee soo jireenka ahaayeen daraadood, waa in maanka lagu haayaa waqtiga ay bislaato isla-xisaabtanka ku saabsan boobka hantiyeed iyo kheyraadka umadeed  ee guud ahaan  ka dhaceen Soomaaliya, gaar ahaan Muqdishoow iyo gobolada barwaaqeysan ee koofurta dalka, inay noqdaan kuwo kasoo bilaabma 1956 ilaa1991-kii oo aheyd xiliyadii u dhaxeeyay markii Somalia loo oggolaaday in ay qaadato ismaamulkii ku saleysnaa nidaamkii daakhiliyada ee xiligii Talyaanigu koonfurta Soomaaliya maamulaayay ilaa dhammaadkii xukunkii naxariis darrada ee kaligii taliyihii Siyaad Barre.

Muqdishow waa la dulmiyay, bal, waxaa loo baahan yahay inta ay gooreey goor tahay in la helo bulshadii nolol iyo dhaqan ahaan difaaci lahayd. Waxaa u baahan in la qeexo nidaamka Federaalka sida uu saameyn karo mustaqbalka maamulka iyo maqaamka Muqdisho. Hadda waxaa lagama maarmaan ah haradiga jiilashii reerguuragga in lagu qanciyo inay nolol ka sameystaan deegaannadii horay ay uga soo hayaameen, ha ahaato jamahuuriyadda gudaheeda ama deegaanka ka baxsan xuduudaha.

Isbadalka Xamar

Xamar hadda waxay kasbanaysaa sumcad iyo horumkar casri ah. Isbeddelka sida xowliga ah u socdaa waxay ku yimaadeen isku tashiga dadweynaha deegaanka. Horumarka ay tiigsanayso Muqdisho, xaqiijinta amniga iyo dib u soo kabashada kaabayaashii dhaqaalaha, ganacsiga iyo bilicdaba, waxay yihiin kuwo iskood isu wada, iyadoo aan  ku tiirsanayn wax taageera ah, marka laga reebo kaalmada mataankeeda Istanbul.

Xamar waxay dhabarka u rogatay inay kheyraadkeeda kooban ka bixiso canshuuraha si loogu hormariyo nidaamka iyo howlaha gundhigga u ah dowladda Federaalka ah. Ma jiro maamuulo kale oo cashuur ku darsada nidaamka ummad ahaan naga wada dhaxeeya, balse waxaa la doonayaa gobalada kale iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda inay loo xeeriyo ku noolaashaha kheyraadka Muqdisho iyo kuwa kale ee imaanaya deegaannada baraaraha leh ee Koofurta dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com